Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Mirre Giirre, ayaa warbaahinta u caddeeyay in xabsiga laga siidayay xildhibaanka kadib amarka kasoo baxay maxkamada.
Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga xilgudatay xadhiga xildhibaanka si waafaqsan dastuurka, waxa uu xusay in maxkamadu ay muujisay madaxbannaani, isaga oo bogaadiyay go’aanka ay soo saartay.
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa xadhiga Abiib ku tilmaantay sharci-darro, iyada oo hay’addaha xukuumada ugu baaqday in ay sharciga u hoggaansamaan.Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay xeer ilaalintu ka gudbisay eedo qaran-dumisnimo ah, kuwaasi oo uu goluha wakiiladu cod caqlabiyad ah ku diiday.












