Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay Hub dhawaan lagaliyay Soomaaliya, kaas oo laga galiyay dhinaca Xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya. Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta hubkan aysan xidhiidh la lahayn Itoobiya isla markaana ay masuuliyad ka...
Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ka banaaneyd. Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu tahay HOP 18 ayaa waxaa ku guuleystay Sereeye guud Jenaraal Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe, waxaana kursigaan horey isaga...
Boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maalintii labaad kasoo gudbay xadka ay wadagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidamadaan oo aad u hebeysan, islamarkaana wata gaadiid dagaal oo aad u tira badan ayaa  saakay ka soo gudbay degmada Feerfeer Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo isku fidiyay...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xiray weriye Cali Nuur Salaad oo kamid ah saxafiyiinta madaxa bannaan, marna soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, xilligii uu xafiiska joogay raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Ciidanka Booliiska ayaa ku eedeeyay weriyaha inuu ku kacay falal dambiyeedyo isugu jira, been abuur, anshax...
Saddex kamid ah degmooyinka Puntland oo kala ah, Garowe, oo ah caasimadda Puntland, Dangorayo iyo Godobjiraan ayaa waxaa maanta ka socda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan. Doorashadan oo horey ugu baaqatay carqaladihii amni ee ka dhacay magaalada Garowe sannadkii hore, islamarkaana uu dhiig badan ku...
Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 xubnood oo katirsan Alshabaab in lagu dilay howlgal ka hortag ah oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaanada Buulo Xaaji, Sanguuni iyo Harboole oo katirsan gobolka Jubbada Hoose. Dowladda waxay sheegtay in kooxda Alshabaab ay weerar naf la caari ah kusoo qaadday...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyay dagaal khasaare geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Buulo Xaaji jab xoogan lagu gaarsiiyay xubnahii Al-shabaab ee...
Askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya kuliyadaha Jaalle Siyaad iyo Xero Nacnac, ayaa sheegay in lagu wargaliyay in ay beelahooda kala yimaadaan hubkooda. Qaar kamid ah askartaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay muddo labo bilood ah ku xaraysan yihiin labada xero. Waxay sheegeen...
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isaga haray tartanka 2024-ka ee Aqalka Cad Axadii, isagoo soo afjaray ololihiisa doorashada kadib dood masiibo ah oo uu la yeeshay Donald Trump taasoo keentay shakiga ku saabsan u qalmida qofka xilka haya ee doorashada. afar bilood oo kaliya ayaa inaga xiga. Waxay ahayd...
Waxaa aad usii kordhaya xubanaha ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee mucaraadaya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha dowladda Fedaraalka oo ay sheegeen inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka. Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo ka...