Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Xubanaha cusub ee uu magacaabay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka kooban afar ruux oo dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
"Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku fashilantay dagaalka Alshabaab. Waxa uu sabab uga dhigay in la marin hababiyay hannaanka loola diririyo Alshabaab.
Shariif Sheikh Axmed oo shir jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay, ayaa sheegay in aysan jirin hal guuto oo katirsan...
Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay dacwada xilka xayuubinta ah ee ka dhanka ah Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.
Golaha ayaa saaka iskugu yimid in uu codka u qaado dacwada xilka-xayuubinta ah ee lagu soo oogay Xildhibaan Abiib, lakiin waxa buuxsamiwaayay kooramka oo looga baahnaa...
Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq.
Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Axmed Madoobe ayaa gudaha magaalada Afmadoow kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka iyo xubno isugu jira qrybaha kala...
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA-ada kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq.
La taliye Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dhinacyadu ay ka wadahadlaan maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga galo arrinta maxaabiiista.
"Dowlada Somaliland maxaabiistaa meel fiican...
Somaliland ayaa sheegtay in anay ogolaandoonin in Ciidamada Badda Turkiga ee la rajaynayo in ay yimaadaan xeebaha Soomaaliya ay usoo gudbaad xeebaheeda.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa lagu baahiyay diidmada Somaliland ee imaanshaha ciidamada Turkiga, xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Turkigu aanu ciidamo keeni karin xeebaheeda.
"Dowlada Somaliland waxay...
Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen natiijada horudhaca ah ee doorashooyinkii golayaasha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal, sida Garowe, Dangorayo Godobjiraan.
Xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyne Deni, ayaa 12 kursi ka helay doorashada ka dhacday degmada Garowe. Sidoo kale xisbiga Horseed oo kusoo xiga...
Dowladda Itoobiya ayaa markii u horreysay ka hadashay Hub dhawaan lagaliyay Soomaaliya, kaas oo laga galiyay dhinaca Xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya.
Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa Warbaahinta u sheegay in arrinta hubkan aysan xidhiidh la lahayn Itoobiya isla markaana ay masuuliyad ka...


















