Saturday, August 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Xalay wadahadal ku yeeshay khadka taleefanka oo ay kaga wadahadleen arrimo dhowr ah. Labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu...
Hay'adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay laba xubnood oo ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo doonayay in ay falal qorshaysan ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Qoraal lagu baahiyay boga X ee hay'adda sirdoonka ayaa lagu sheegay in NIA ay qabatay kooxo doonayay...
Aasaasihii iyo maareeyihii shakabada wararka Hiiraan Online oo ah mareegaha ugu da’da weyn ee wararka Soomaalida, Axmed Xaaji Cilmi Guure ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Marxuumka ayaa ka tagay taariikh aad u saraysa oo dhinaca duulista iyo saxaafadda ahba. Taariikh nololeedkiisa. Axmed...
Taliska ciidanka Booliiska Degmada Hobyo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjoogihii  maaliyadda gobolka Mudug ee kooxda Alshabaab. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabaas Sheikhdoon ayaa la sheegay inuu ku sugnaa deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, ka hor inta uusan hay'adaha amniga iskusoo dhiibin. Taliye ku xigeenka Booliska Hobyo Nuuriye Ciise Xuseen...
Maxamuud Cabdi Bile Cabdi oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa hooyadeed (Soddohdiis). Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase ahaatee wararka aanu horudhaca u helayno waxay sheegayaan inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagnaa. Hooyada...
Ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland guutada Birjeex ayaa howlgal ay ka sameeyeen dhulka howdka ah ee ku yaala duuleedka deegaanka Buula Xaaji ku dilay kuna dhaacaway xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. Howlgalka ayaa lasoo wariyay in ciidanka ay ku dileen 2 xubnood oo ka mid ahaa xubnahii Al-shabaab ee dhawaan weeraray...
Baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan in ciidamada qalabka sida ee Turkiga la geeyo Soomaaliya muddo labo sano ah. Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in Tallaabadan ay ku soo beegantay heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya, si loo sugo Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaalia iyo...
Xiriirka caalamiga ah ee saxafiyiinta (IFJ) ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya in ay ka laabato sharciga macluumaadka rasmiga ah ee (OIB) iyadoo sheegtay in sharciyadan ay saameyn ku yeelan karaan xaqa macluumaadka. Sida ay sheegtay IFJ, sharcigaan ayaa si weyn uga hor imaanaya halbeegyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan...
Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa howlgalo burburin ah ka wada dhulkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Howlgaladaan burburinta ah ayaa yimid kadib markii ciidamadaan ay ku jarmaadeen aroornimadii hore ee saakay halka uu ku yaalo dhulka Wasaaradda arrimaha gudaha...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si adag uga jawaab celiyay dhaliilo qaar ka mid ah siyaasiyiinta u jeediyeen dowladda Fedaraalka. Wasiir Jaamac ayaa sheegay iney jiraan siyaasiyiin xil ku raadinaya sharaf dilka ciidamada qaranka oo maalin walba baraha bulshada la taagan wax ka sheega...