Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga daahfuray Xafiiskii 8-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku yeelanayso magaaladda Laascaanood.
Xaruntaan ayaa loogu adeegi doona dadka ku nool deegaanada SSC Khaatumo oo ay dowlada Fedaraalka u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.
Munaasabada lagu daahfuraayay xaruntaan waxaa ka...
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayaa sheegay, Soomaaliya inay ku adkaysanayso in aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay habka kaliya ee Ethiopia ay galaangal ugu yeelan karto badda Soomaaliya, in ay tahay, iyadoo la raacayo xeerarka Qaramada Midoobay ee...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay heshiis kula gali karto Itoobiya inta ay maamusho ee badda, balse aanay bixin karin biyaha Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ahna afhayeenka Xukuumada Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gasho aan...
Qaar kamid ah xildhibaannada beesha Warsangali ee kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu magaalada Muqdisho ka wado abaabulo lagu kala qeybiyo midnimada dadka reer Puntland.
Xildhibaanadan oo ku hadlayay afka degaanada Maakhir ayaa sheegay tallaabooyinka uu madaxweynuhu wado sida ay sheegeen in ay yihiin...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada berbera, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa faragalin ku tilmaamay soojeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, uu Jimcihii ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku...
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo dhawaan ka fakaday xabsi kuyaala Galkacyo.
Barkhad ayaa ku xukumnaa dil toogasho, waxaana u harsanayd in xukunkaas lagu fuliyo.
Ciidanka booliisku waxay sheegeen inuu katirsanaa shabakad Shabaab...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu dab xoogan saakay ka kacay Suuqa weyn ee magaaladaas.
Dabkaan ka kacay Suuqa weyn oo ku yaala xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ayaa lasoo warinaya inuu kusii faafayo qeybaha kala duwan ee ganacsiyada halkaas ku yaala.
Dadweyne aad...
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadkan si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay heshiiska ay la saxiixatay maamulka Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.
“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda...
Kooxo hubeysan ayaa Xalay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Baledweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen.
Dilka guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Baledweyne Cabdisahal Shuuriye ayaa ka dhacay xaafada Xaawa taako, gaar ahaan laanta Kulanta abaare 11-kii Habeenimo ee Xalay, waxaana...
Maxkamadda Sare ee dalka Seychelles ayaa bartamaha bisha January ee sannadka 2025 u muddaysay dhegaysiga dacwadda lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad badeedda Soomaalida.
Raggaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar burcad badeednimo oo tobankii bishii saddexaad ee sannadkan lagu qaaday markabka...


















