Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u soo saaray go'aano laga gaaray cabashada Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajyada ee la xariirtay lacagta lagu qaadanayo leysinka wadista  gaadiidka. Go'aanada kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa yimid kadib markii laba maalmood oo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo taliska bariga ee Oog kula hadlayay ciidamada millateriga, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku kacday falal lagu burburinayo Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isku dayday in ay dab ka shido gobolka Awdal, halkaasi oo uu sheegay in la doonayay...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay hadal uu bartiisa X kusoo daabacay safiirka UK ee Soomaaliya, kaasoo uu Soomaaliya iyo Somaliland uga dhigayay labo waddan. Wasiirka ayaa sheegay hadalka safiirka UK kasoo baxay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, isla markaana weerar qaawan...
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya iyo sababahii keenay in la isku fahmi waayo wadahadaladii natiijo la'aanta kusoo dhamaaday ee ku dhexmaray labada dal magaalada...
Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya. Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa u sheegay VOA-da in...
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka in ajandaha baarlamaanka lagu soo daro cabashooyinka canshuuraha ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo sababay  mowjado mudaharaadyo ah oo ay sameeyeen Bajaajlayaasha magaalada Muqdisho. Soo jeedinta rasmiga ah ee loo jeedinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay Xildhibaanadu u cuskadeen qodobka 25-aad, farqadiisa...
Dhibanayaasha iyo qoysaska kasoo jeeda UK ee ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Al-Shabaab ee 2-dii August ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 40 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 200 oo qof, ayaa dalbanaya in magdhow la siiyo. Xafiiska Arrimaha Dibedda,...
Toban xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saakay  lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xukun dil ah ay ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland. Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay dambi ah in ay dad badan oo rayid ah iyo dad kaloo masuuliyiin ah ay ku...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay oggolaanshaha howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka bisha December ee sanadka 2024-ka. newsibsideGolaha Ammaanka, ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2748, waxa uu dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u oggolaaday in ay...
Howlgal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay fuliyeen ayaa lagu weeraray xero Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka DigDiga oo ka tirsan deegaanka Faafi, oo hoos timaada degmada Gaarisa. Howlgalka ayaa ku bilowday xog laga helay dadka deegaanka, kuwaasi oo maamulka ku wargeliyay weerar ay kooxda dableyda ah qorsheyneyso inay la beegsato...