Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilowday howlgal lagu burburinayo isbaarooyinka sharci darro ah oo yaalay inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Yaaq Bari Wayne oo katirsan gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulkaas. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan C/qaadir Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in maamulku uu si rasmi ah u mamnuucay...
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa go’aan kusoo saaray in dhammaan dakhliga dowladda si gaar ah loogu shubo khasnadda laga maamulo hantida dowladdae ee Single Account (TSA), taasoo xoojinaysa hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya. Qaraarka ayaa mamnuucaya in lagu shubo ama...
https://youtu.be/2tZUBLKBp_g   KU:    Warbaahinta Gudaha iyo Debedda, KU:    Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre. KU:    Barlamaanka Golaha Shacabka. KU:    Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo D/u/heshiisiinta. KU:    Barlamaanka Aqalka Sare. KU:    Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka. KU:    Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey UNSOM. UJEEDO: Cabasho iyo Soo Jeedin La Xiriirta Wax ka Bedelka Xeerarka               ...
Qaar kamid ah Xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in dowladda Federaalka ay is-hortaag ku hayso mashaariicda horumarineed ee iyo deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay Puntland. Warsaxaafadeed ay si adag u soo saareen Xildhibaanada Puntland ayaa waxay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka...
Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka falceliyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Madaxweynuhu ku sheegay in Itoobiya ay lid ku tahay qaranimada Soomaaliya. Aadan Faarax ayaa sheegay in Dowladaha...
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ku jirta murugo kaddib markii saddex ganacsade Soomaali ah lagu dilay jimcihii weerar  ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Cape Town, South Africa. Lix muwaadin oo Soomaali ah oo kale ayaa si xun loogu dhaawacay toogashada, taas oo ka dhacday waddada...
Qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajyada ee ka dhex shaqeysta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka ee ku aadana dhimista qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa. Wadayaasha Mooto Bajaajyada oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in...
Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga dooday cabashada ka dhalatay go'aanka dowladda ee qaadista Canshuurta iibka. Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsana aragtida qaadista Canshuurta Iibka, kuwaas oo qaarkood dowladda ku taageeray in la qaado Canshuurto,...
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiqafaar Xasan Xaange, kaas oo ahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag dhan $6 milyan ku shubtay qasnada Puntland. Wasiirka Warfaafinta oo maanta weriyayaasha kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay,...
Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Somaliland ka dib markii ay Somaliland ku dhawaaqday dagaal ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato gobolka Sool. Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo, Najiib Barkhad Warsame ayaa sheegay in ciidamadoodu ay awood buuxda u leeyihiin inay ka jawaabaan duulaan kasta oo...