Friday, July 31, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Turkiga ayaa wada-hadallo kula jira dowladda Soomaaliya si ay uga sameeyaan goob lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan. Soomaaliya oo ku taalla cidhifka bari ee Afrika ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dalalka ay ciidamadooda  joogaan Soomaaliya, iyadoo ku boorineysa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka. Baaqan waxaa soo jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo warbixin kooban ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Abuukar Baalle ayaa...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa si adag uga jawaabay hadal uu Shalay jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo uu ku amaanay Xildhibaanadii dhawaan taageerada u muujiyay dadka Koonfur Galbeed ee diiday in Itoobiya laga saaro halkaas, lana geeyo ciidamo ka socda dalka Masar. Wasiir...
Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamulkeeda yeelato, lakiin ay rabto in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula gasho dekeda Tojora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si ka duwan balanqaadkiisii...
Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoomo muhiim ah sida Luuq, Doolow, iyo Baardheere. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si adag uga hadlay xiisaddii dhawaan ka dhalatay taageeradii reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka ciidamada Itoobiya. Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu horeyn ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xumaado hadaladii kasoo yeeray reer Muqdisho, islamarkaana ay ahayeen kuwa kala dhantaalaya...
Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed. Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid lagu caburinayo...
Puntland ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardayda  reer Puntland u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed. Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay...
Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya inay meesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar...
Qaar kamid ah Culima'awdiinka Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si adag uga hor yimaadeen damaca Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay taageeradooda xiriirka Masar ee Soomaaliya. Kulankan ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan aqbali karin, isla...