Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay Soomaaliya in ay diyaar u tahay bixitaanka ciidamada ATMIS. Wuxuu sheegay in dowladdu sameysay qorshe si loo hubiyo in amniga dalka aanu hoos u dhicin marka ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir-gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ka socday dalalka Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
Kulanka ayaa ahaa mid ay ka qeyb galeen wasiirada ka socda dalalka Sucuudiga, Baxrayn, Mauritania, iyo Masar, iyadoo sidoo...
Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Maraykan ah oo aan la magacaabin, hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa si aamusnaan ah u noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Daacish.
Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in golaha shuurada dhexe ee Daacish ay u magacaabeen Muumin inuu noqdo khaliifkooda guud.
Inkastoo sheegashadan ay tahay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed galinkii hore ee maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Dagaalka oo qarxay waabarigii hore ee saakay ayaa qaatay saacado badan, kaaso ka dhacay tuulo lagu magacaabo Buq oo u dhaw deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyay...
Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kusoo qabqatay kooxaha Muqdisho ka dhex geysta dilka, dhaca iyo falalka amaan daro.
Booliiska gobolka Banaadir ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu xaqiijiyay iney gacanta lagu soo dhigay...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga uu hoggaaminayo Raysal wasaaraha waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, masuuliyiin...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in dhismooyin dhaadheer laga dhiso nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jasiira oo dhamaatood ka agdhaw garoonka diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in laga dhiso dhismooyinka dhaadheer."Laga...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in uu guul ku soo dhamaaday heshiiskii is fahan ee ay la gashay Itoobiya, isla markaana dhawaan qalinka lagu duugi doono.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa saaka iskugu yeedhay dibulumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Somaliland, isaga oo u sheegay in heshiiskii Somaliland...
oghayaha guud eee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhimashada tirada badan ee dadka reer Falastiin iyo burburka baaxada leh ee ka jira Marinka Gaza.
António Guterres ayaa dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee uu arko abid, wuxuuna xusay inuu aad...
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay xidhay Maktabad ay Masaaridu ku lahaayeen Hargaysa, sababo amni awgood.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda D.R. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay xidhista maktabadan oo ahayd xarunta ugu wayn ee ay Masaaridu ku lahaayeen Somaliland, iyadoo shaqaalaha maktabada loogu baaqay in ay 72 saacadood...


















