Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta oo Arbaco ah go'aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwada dilka loo haystay Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysnaa inuu dilay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Uur laheyd.
Maxkamadda sare ayaa maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska Sayid Cali...
Xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaqday in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Abdulkadir Artan uu noqon doono garsooraha afaraad ee kulanka Super Cup-ka oo ay wada ciyaarayaan Al Ahly iyo Zamalek. Ciyaartan oo la qaban doono Sebtembar 27-da ayaa ka dhici doonta garoonka Kingdom Arena ee Sacuudi Carabiya,...
Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaalada Wardheer lix dhalinyaro ah oo Xer ka ahayd Masaajidkaas.
Sida Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa lagu dhex dilay Masaajid ay wax ka baranayeen, iyadoo dilkaasna ay gaysteen...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in la soo xiray Mr. Ertugrul Karafiyeli, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori, isla markaana ah muwaadin u dhashay dalka Turkiga.
Mr. Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay...
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib dagaal u daabulo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab cilmi baaris ah oo dhanka tamarta ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.
Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Sheegtay in aysan waxba iska Badelin Duulimaadyada Baydhabo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid duulimaadyada maalinlaha ah ee magaalada Baydhabo.
Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in si joogto ah ay u soconayaan duulimaadyada, inkastoo aysan sheegin sababta keentay hakadka saacadaha qaatay ee...
Saacadihii hore ee saakay, duulimaadyadii ka imanayay Muqdisho kuna wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa hakad ku yimid, iyadoo dadweyne aad u badan oo ku socday Baydhabo ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid lagu ihaanaynayo shacabka Koonfur Galbeed....
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Lugta ee ciidanka xoogga Dayax Cabdi Cabduulle ayaa ka shiray sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka...
Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sareeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya.
War saxaafadeed kasoo baxay booqashada xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo horey u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Kulanka ayaa ahaa mid kusoo beegmay waqti xasaasi ah, iyadoo Wasiir Fiqi uu kala hadlay Workneh Gebeyehu arrimo muhiim...


















