Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad lagu...
Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka Golaha u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Xildhibaanadda gudbiyay Mooshinka ka dhanka Wasiir Fiqi ayaa Mooshinkooda ku saleeyay saluug badan oo ay ka qabaan shaqada Wasaaradda...
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay in hogaamiyahooda Xasan Nasrallah lagu dilay duqeyn Israa’iil ay habeenkii Jimacaha ka fulisay dalka Lubnaan.
Ciidamada ayaa sheegay in ay "bartilmaameedsadeen" xarumaha ururka Xisbullah, ee ku yaalla "meel dhulka hoostiisa oo laga hoos dhisay dhismo deegaan ah oo ku yaalla aagga Dahieh ee...
Warar dheeraad ah ayaa kusoo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku qaaday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilaawday laba qarax oo jugtooda mar qura huradada...
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in aysan muuqan rajo laga qabo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isugu yimaadaan wada hadal fool ka fool oo ku saabsan xiisadda arrimaha badda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Itoobiya ay martay dariiq qaldan, oo ay u bareertay boobka qayb kamid...
Khubarada ammaanka ayaa ka digaya in xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay halis ku tahay xasiloonida gobolka Geeska Afrika, islamarkaasna ay fursad u abuurayso Al Shabaab.
“Soomaaliya, oo ah dal markii horeba hubku ku badnaa, waxaa hadda laga dareemayaa in hub badan la soo dejinayo iyada...
Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Siisii ayaa mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Siisii ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leeyahay difaac wadareed sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta.
“Anagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doonno inuu qofna u...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ah maanta ku ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya oo loo magacaabay Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano.
Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa ku timid soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana shirka golaha ee...
Dowlada Itoobiya, ayaa ka fiirsanaysa in ay shidaalka kala soo dagto dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida lagu baahiyay qaybo badan oo kamid ah warbaahinta madaxa bannaan ee Itoobiya.
Agaasimaha Guud ee Suuqgaynta iyo Cilmi-baadhista Saliida ee Hay'adda Maamulka Saliida iyo Tamarta Itoobiya, Ato Lemesa Tulu, ayaa sheegay in hoos...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay laba Lataliye sare oo la sheegay in kaalin weyn ka qaadan doonaan hirgalinta qorshayaasha muhiimka u ah dowladnimada, Dimuqraadiyadda iyo arrimaha Fedaraalka.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay wasiirkii hore ee amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Lataliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka, kasoo...


















