Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Khartoum ee lagu bartilmaameedsaday hoyga safiirka Imaaraadka Carabta ee Sudan.
Wasaaradda ayaa weerarkaan ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, waxayna soo jeedisay in loo baahan yahay in la dhowro xurmada...
Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka la saxiixatay heshiis ku kacaya 68.5 Milyan oo Doollar, kaasoo lagu xoojinayo horumarka dhaqan-dhaqaale ee muddada fog.
Heshiiskan ayaa waxaa Muqdisho u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Ms....
Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Labada masuul ayaa halkaas waxaa kusoo dhaweeyay Taliyahii xilkaan laga qaaday Sarreeye Gaas Sulub axmed Firin oo hada...
Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya howlgallo culus oo looga hortagayo kooxda Daacish, oo si xawli ah isugu ballaarinaysa deegaanada gobolka Bari.
War rasmi ah oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ku wajahan yahay magaalada Boosaaso si uu u diyaariyo hawlgalka ka dhanka...
Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay wali Itoobiya ka sugayso in ay kasoo jawaabto dalabkii ay Itoobiya ku siisay dekeda Tojorah ee waqooyiga dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo waraysi siiyay VOA, ayaa sheegay in ay wali rajo ka qabaan in Itoobiya ay aqbasho soo jeedintooda, oo...
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, uu shirka la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson, iyo xubno ka tirsan xafiiskeeda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dalka, iyo taageerada Midowga Yurub...
Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Mirre Giirre, ayaa warbaahinta u caddeeyay in xabsiga laga siidayay xildhibaanka kadib amarka kasoo baxay maxkamada.
Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka sanadlaha ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa markale si adag uga hadlay arrimaha Canshuurta.
Wuxuu sheegay madaxweynaha in khiyaanoole uu yahay qofka ka dhuunta bixinta lacagaha Canshuurta ah, islamarkaana dowladda ay la xisaabtami doonto cid walba oo diidan bixinta...
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa caddeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yidhi Madaxweyne el-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka...
Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taala dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad lagu...


















