Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa magaalada Lusaka ee Caasimadda dalka Zambia uga qeyb galay Shirweynaha dhijitaalka ee dowladaha Afrika ee sanadka 2024.
Shirweynahaan uu daahfuray Madaxweynaha dalkaasi Zambia Hakainde Hichilema ayaa ah mid dowladaha Afrika ay kaga wada hadlayaan sidii loo horumarin lahaa...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa sheegay in Xidigaha Geesku ay ku jees jeeseen askar xabsi u galay difaaca qaranimada Somaliland.
Biixi oo Jaamacada Hargaysa kula hadlayay arday baratay dastuurka, ayaa sheegay in cida askarta u heestay anay ilaalinayn qaranimada, isaga oo dadka ugu baaqay in ay ka foojignaadaan fariimaha ay...
Shir deg deg ahaa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa shirkooda si gaar ah diirada ku saaray Shirka madaxda golaha Wadatashiga Qaranka uga socda...
Ku-simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la qaato sharciyo doorasho oo la fulin karo iyo in la dhiso guddi doorasho oo madaxbannaan.
James Swan ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in go’aamada kasoo baxa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin dhankooda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkaan ku sheegay isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha. Waxa uu sheegay in shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran...
Shirka golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta galaya maalintii labaad.
Shirkaan oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galayaan Raysal wasaare Xamse, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug,...
Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka todobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar.
Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct.
Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo...
Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 45 ruux oo tahriibayaal ahaa ay ku dhinten xeebaha dalka Jabuuti, kadib markii quuseen biyaha Badda Cas doomahii ay la socdeen.
Dadkaan dhintay ayaa qeyb ka ahaa 310 ruux oo saarna laba doomood oo kasoo shareecday xeebaha dalka Yamen, waxaana dadkaas laga...
Waxaa goordhaw si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowlada Fedaraalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo madaxda Golaha diiradda ku saarayaan xaalada amniga dalka,...
Wasiirka arrimaha Dibadda dalka iiraan Abbas Araghchi oo ka hadlayay weerar culus oo Xalay Iiraan ku qaaday Isra'iil ayaa sheegay in weerarka la soo gabagabeeyay kuna ekaa intaas.
Weerarka Xalay Iiraan ku qaaday Isra'iil ayaa ahaa mid loo adeegsaday gantaalaha ballaastikada oo tiro ahaan gaarayay in ka badan 180 gantaal...


















