Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed oo...
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saartay colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada Qurilugud iyo Shangeed ee gobolka Togdheer.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaraddu ayay ku codsatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah...
Xildhibaannada labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga Madaxweynaha ee ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, si muddadaas lagu ansixiyo shuruucdii dalka ku hoggaamin laheyd doorasho qof iyo cod ah.
Khudbad uu Madaxweynaha uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga codsaday in muddo bil ah...
Agaasimahii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraal dheer oo uu soo saaray ayaa ku sheegay Cabdulqaadir Cali Dige in maanta oo Sabti ah uu isaga tagay xilkii uu ka hayay Villa Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay...
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ahaa maanta ku ansixiyay heshiisyo is afgarad oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha.
Heshiisyada ay maanta ansixyeen golaha Wasiiradda ayaa la xiriira hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka Golaha oo...
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen si weyn uga horyimid go'aanadii kasoo baxay shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Warsaxafadeedka siyaasiyiintaan waxaa lagu cambaareeyay mudo kororsiga lagu...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) loo beddelo howlgal KMG ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u ansixiyay Qaraar tirsigiisu yahay 2753 (2024), kaasoo u beddelaya Xafiiska...
Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga Qaranka ee Xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Warsaxafadeed kasoo baxay Jubbaland ayay ku qaadacday muddo kororsiga halka sano ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.
Jubbaland waxay sheegtay in doorashadeeda ay u madax banaan tahay ayna...
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Sheegay in Go'aanada Shirka Golaha Wadatashiga Ka soo baxey aysan aheyn kuwo u Adeegaya Danaha Guud ee Qaranka iyo Wada jirka Dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynayaashii Hore oo Barahooda Qoraalo soo dhigay ayaa Tilmaamey in La Lumiyey Wada jirkii...
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in Doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada la qabto Sebtembar 2025, taasoo ka dhigan in muddo sanad ah loo kordhiyay muddo xileedkooda.
Waxaa go'aankaan la gaaray iyadoo ay madasha ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey uga horyimid qorshahaan muddo kororsiga dowlad goboleedyada.
Qodobadan ayaa...


















