M/weynaha puntland C/weli Cali Gaas iyo R/W Soomaaliya oo kormeer ku tagey garoonka cusub ee Garoowe.

0
676

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay Wehlinayeen wafdi ka socda Turkiga oo uu Hogaaminayo Danjiraha Turkiga ee Somalia, masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Puntland, ayaa maanta kormeeray Garoon cusub oo laga dhisayo Dulleedka Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

RW Sharma’arke iyo wafdigan la socday ayaa kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban garoonka oo ay shaqo ka socotay xilligaas, iyagoo warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkada gacanta ku haysa dhismaha garoonkaan oo laga leeyahay waddanka Turkiga, iyadoo RW Somalia boggaadiyay horumarka ka socda Garoowe, gaar ahaanna dhismaha garoonkan cusub oo loo dhisi doono qaab casri ah.

“Shirkadaha Caalamka iyo kuwa ay Soomaalidu leeyihiin waxaan leennahay halla yimaado dalka hana la maal-gashto, si ay dib u soo laabtaan adeegyadii guud ee Bulshada baahida u qabto, tani waa horumar uu dalka ku tallaabsanayo,” ayuu yiri RW Somalia Sharma’arke.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxaa bixinaysa Boqortooyada Kuwait, Wuxuuna qayb ka yahay Mashaariic ay ugu Deeqeen Dawladda iyo shacabka Soomaaliya.