Sunday, November 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii afaraad, waxaaana shirkan lagu waday in lagu soo gaba-gabeeyo saddex casho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kaddib markii la sheegay inay jiraan qodobbo weli la isku hayo. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Kulankan ka qaybgalaya ayaa wali isku mari la’ qaabka Muqdisho ay...
Qarax Culus oo Is-miidaamin ah, si weyna looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa Goor-dhaw ka dhacay albaabka dambe ee Hoteelka Ambassador ee Muqdisho oo ku yaalla Waddada Maka Al-Makarama, Waxana la maqlayay qaraxa kaddib rasaas culus oo la is-wey-daarsanayo. Sidoo kale, Weerarkan ayaa ahaa mid isugu jiray qaraxyo iyo...
Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka...
Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xali Xagaa - ayaa maanta gaaray Degmada Garoowe ee xarunta Puntland, iyagoo booqday xerada 54-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland. Xubnaha Wafdigaan, ayaa waxaa Garoowe kusoo dhaweeyay Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland, Jen. Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada...
Maanta oo ah 31.05.2016, waxaa la filayaa in wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay dib Turkiga uga furmaan. Dawladda Turkiga iyo dowladaha Carabta sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta hormood u tahay ayaa wadahadallada qeyb ka ah, Kuwayt iyo Masar ayaana si dhow ula socda. Turkiga iyo Carabtu waxa ay sidaan hindiseyaal, sida la...
Madaxweynah Turkiga, Recap Tayyip Erdogan - ayaa lagu wadaa in Soomaaliya uu soo gaaro 03-da bisha June oo ku beegan maalinka jimcaha ah ee soo socota, iyadoo imaanshadiisa Somalia ka hor uu soo mari doonaa Waddamada Kenya iyo Uganda, wuxuuna madaxda dalalkaas kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka...
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Waxaa ka socda Maalintii Saddexaad Shirka Madasha Wada-tashiga QARAN ee loooga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay jiraan qodobbo weli la isku mari la’yahay. Kulankan oo u dhexeeya madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamullada ka jira dalka, ayaa maalmihii hore looga hadlay Amaanka iyo sidii...
Iyadoo maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 31-ka May 2016-ka, ay tahay Maalinta loo Asteeyay joojinta Cabista Sigaarka ee Caalamka ayaa Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxay bulshada uga digayaan khatarta iyo cudurada halista ah ee ka dhasha cabista sigaarka. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyed oo shir...
Ciidamada Xukuumadda Ciraaq iyo Xoogag Shiico ah oo ay hawadan ka taageerayaan Diyaaradaha Dagaalka dalka Marykanka, ayaa billaabay Weerar xoog leh oo ay doonayaan inay ku Qabsadaan Magaalada Falluja ee dalka Ciraaq. Saldhig booliis oo ku yaalla gudaha Faluuja ayay ciidamadan is-bahaysanaya la wareegeen, kaddib markii ay dhinaca Koonfureed ka...
Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen Kenya, kuwaasoo saxaafadda Kenya ay sheegtay inay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya. Xoogaggan ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay gubeen tuulada Surgoow oo ku dhaw soohdinta ay wadaagaan Somalia iyo...