Ciidamada booliska ee Muqdisho Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof qarax lagu dilay Muqdisho xalay.
Booliska ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay loo adeegsaday qaraxa kaasoo kasokow qofka dhintay maahee dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Ilaa afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaa.
Askari ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Cabdi Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu ka dhacay isgoyska Siinaay agagaarkiisa, dhanka waqooyi ee caasimada Muqdisho.
Gaarigaa ayaa durba qarxay mar ay boolisku joojiyeen.
“Qof dumar ah ayaa ku dhintay qaraxa halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen,” Cabdi ayaa sidaa yiri.
Gawaarida oo walxaha qarxa lagu soo raro ama lagu rakibo dabadeedna la qarxiyo ayaa dhawaan kusoo badatay Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com