Munaasabad ballaaran oo si weyn u soo jiidatay Dhammaan ka Qeyb-galayaasha, isla markaana lagu soo Bandhigayay Hiddaha iyo Suugaanta Soomaaliyeed, ayaa Galabta lagu Qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Abwaanno, macalimiin, waalidiin Soomaaliyeed, iyo ganacsato ayaa kasoo qeyb-galay xafladdan oo noqoneysa tii ugu horeysay lagu qabto magaalada inta la xasuusto taariikhada.
Marka laga soo tago Muuqaalka goobta, Dhinaca kale waxaa halkaas Suugaan kala duwan kusoo Ban-dhigay Dhallinyaro ay ka mid ahaayeen; Ibraahim Cismaan Afrax, Leyla Xassan Yuusuf iyo Samiiro Cali Xassan oo siweyn u soo jiitay dareenka ka qeyb-galayaashii munaasabada oo u riyaaqay suugaanta ay soo bandhigeen dhalinyarrada.
Ugu dambeyn, Bandhiga Hiddaha & Dhaqanka ee maanta lagu qabtay Beledweyne ayaa ka tarjumaya in ay wali jiraan xubno Soomaaliyeed u taagan soo nooleynta Suugaantii iyo Dhaqankii Wanaagsanaa, iyadoo waliba ay arintaa iska xil saarayaa dhalinyarro aad u da’yar.
warsom2011@gmail.com








