Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Aqoon is-weydaarsigan lagu baranayay maamulka iyo maareynta oo ay bixinayeen Khuburo ka Socday Midowga Afrika ayaa ka socday Muddo Saddex Maalmood ah Xarunta Baarlamaanka Afrika ee Johannesburg, Koonfur Afrika, waxaana ka qayb-galay ku dhawaad 30-xildhibaan oo kala matalayay in ka badan labaatan wadan oo Afrikan ah. Xildhibaan C/lla Barqad oo...
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kasoo hor-jeestay qaar ka mid ah qodobadii laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ee lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho. Guuleed oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo Gaalkacyo ka dhacday ayaa sheegay inuusan ku Waafaqsaneyn Madaxda Madasha Labada Xubnood ee...
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan qayb ka ahayn Hannaanka Doorashooyinka Somalia ee dhici doona daba-qaayada Sannadkan lagu jiro, aysanna jirin cid ku metelaysa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somalia ay yihiin waddan jaar ah, ayna Somaliland gooni ka tahay Somalia, isagoo intaas ku daray...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Waa markii u horreysay ee Madaxweyne Somali ah uu booqdo Magaalada Jigjiga, taasoo booqashan ka dhigeysa mid Taariikhi ah, Qaybna ka ah xoojinta xiriirka labada dal ee dariska iyo...
Madaxweynayaasha Turkiga, Recep Tayip Erdogan iyo Ruushka Vladamir Putin ayaa kala saxiixday Heshiisyo kala duwan, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka. Kulanka ayay labada madaxweyne uga hadleen sidii ay xiriirkooda u xoojin lahaayeen, kaddib markii uu xumaaday dabayaaqadii sannadkii hore ee 2015 markaasoo ciidamada cirka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ogolaaday soo jeedinta magacaabista Wasiir-u-dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo dhawaan xilka loo magacaabay. Magacaabista Jen. Muun-gaab waxaa soo jeediyay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. Waxaana Madaxweyne Xasan uu sheegay inuu Tix-geliyay si rasmi ahna u ogolaaday soo...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lasoo bandhigay, isagoo ku tilmaamay guul weyn doorashada lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somalia. Ki-moon ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xusay inay guul aad u weyn tahay in Madaxweynaha soo socda ee Somalia...
Ilhaan Cumar ayaa kuguuleysatay xubinimada baarlamaanka ee dobolka Minnesota, dalka Mareykanka. Soomaali badan ayaa kunool gobolkaa asagoo Minnesota uu yahay gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan marka loo barbar dhigo gobolada kale ee dalkaa. Ilhaan ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee xubin ka noqota aqalkaa iyo weliba gabadhii ugu...
Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe magacawday guddiga doorashooyinka ee heer dawlad gobelleed. Guddigaa ayaa loogu tala galay inuu qabto doorashooyinka ka dhici doona dawlad gobolleedyada kala duwan ee dalka ee nidaamka federaaliga ah qeybta ka ah. Raisul Wasaare Cumar C/Rashiid ayaa magacaabay guddigaa shalay galab. Wareegto kasoo...
Waxaa goor-dhaw magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkii Madasha Wada-tashiga Doorashada Somalia ee Sannadkan 2016-ka, kaasoo muddo Toddobaad ah ka socday Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka qayb-galayeen Madaxda Sare ee Dalka iyo kuwa Maamul-goboleedyada, ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu socdo laba maalmood, balse waxaa...