Wafdi u Hor-kacayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo oo saaka lagu Aasayo dadkii ku dhintay labadii qarax ee shalay lagu weeraray xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo.
Ciidamada Ammaanka ayaa aad u sugaya amniga wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka tirsan wasiiradda iyo xildhibaanada Puntland,...
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in sidii dagaal wadajir ah ula geli lahaayeen Al-shabaab.
Axmed Madoobe oo ka Hadlayay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in falkaas uu tusayo shacabka Soomaaliyeed inay Al-shabaab dan ka lahayn shacab iyo Dowladda, loona...
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho kala soo daga Ganacsiyada kala duwan.
Dr. Daahir ayaa xusay inaan loo dulqaadan doonin ganacsato Soomaaliyeed oo dalka keena waxyaabo waqtigooda dhacay. Cid walbo oo wax dhacay kasoo...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markana ah duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa si kulul uga Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ee ahaa inay sharci-daro yihiin kaararka aqoonsiga ee uu maamulka gobolka Banaadir bixiyo.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kaararka Aqoonsiga aysan sharci-darro ahayn, isla markaana ay qayb...
John Kerry oo ah Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka ayaa maanta booqasho ku jooga Kenya ayadoo uu la leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta wada hadalo.
John Kerry iyo Kenyatta ayaa lagu wadaa maanta inay shir ku qabtaan madaxtooyada ayagoo la filaayo inay ka wada hadlaan arimaha ammaanka ee gobolka iyo doorashada...
Ciyaaraha olombikada ayaa lagu soo gabagabeeyay Brazil gaar ahaan magaalada Rio ayadoo lagu soo afmeeray xaflad si aad ah loo soo agaasimay.
Ciyaarahaa ayaa waxaa marka xigta sanadka 2020 waxaa lagu qaban doonaa hadii Alle yiraahdo Tokyo Japan.
Ciyaarahaa oo qaatay 16 maalmood ayaa waxaa kasoo qeyb galay 11, 303 cayaartooy...
Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa Daacish ku eedeeyay weerarkii qaraxa ee Sabtidii dalkaa ka dhacay inay ayadu ka dambeysay.
Wiil yar oo 14 sano jir ahaa ayaa la xaqiijiyay inuu weerarkaa geystay asagoo ismiidaamshay. Dadkaa qaarkii ayaa tilmaamay inuuba ka yaraa intaa oo uu 12 sano jir ahaa wiilkaasi.
Wiilkaa...
Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu weeraray xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku Taalla Degmada Shingaani ee Muqdisho, waxaana madaafiicdani ay sababeen khasaare aan illaa hadda la ogeyn cadadkiisa.
Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay gudaha ugu dhaceen xarunta, waxaana sidoo kale la sheegay in garaash...
Hanti dhowraha Soomaaliya, Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa kadigay in aan hannaan wanaagsan aan lagu wadin qaabka loo jarayo kaararka aqoonsiga ee dalka.
Kaararka aqoonsiga ee dalka ama teesare minashiibiyaha ayaa haatan bixintiisu ka socotaa caasimada Muqdisho. Balse hanti dhowraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo oo horta...
Labo Qarax oo is-miidamin ahaa, ayaa Maanta ka dhacay Xarunta Dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo, kaddib markii lagu weeraray gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaaso Qaraxyada lagu bilaabay.
Qaraxa labaad oo khasaaraha badankiis geystay ayaa dhacay markii ay dad badan oo shacab ahi kusoo xoomeen goobtii uu qaraxii koowaad...


















