Kulan Balaaran oo maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayna shir gudoominayeen gudoonka Isbaheysiga sida gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Cali Maxamed Nuux timajilic iyo kuxigeenkiisa 1’aad Suleymaan Yuusuf Cilmi ayaa waa lagaga hadley qodobo dhawr ah.
Dood iyo falaqeyn kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadley gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Cali Maxamed Nuux timajilic iyo mid ka mid ah madaxda xisbiyada siyaasada soomaliya Zakeriye Maxamuud X Cabdidi iyagoona sheegey in dacwadaas aysan marna aqbali doonin wixii lahaanshaha badda Soomaaliya ka dhan ah.
Masuuliyiinta isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya ayaa sheegey in arinkan ay ka danbeeyaan kuwo diirka oomaali ka ah damiirkooduse doorsoomey oo dano gaar ah wata,waqtiga iyo marxalada ay maanta soomaaliya ku jirtana la doonayo in laga faa’iideysto,iyagoo ugu danbeyntii ugu baaqey shacbiga soomaaliyeed madaxda maamul goboleedyada in laga dhiidhiyo arintaas,meelna looga soo wada jeesto.
Mar la weydiiyey madaxda Isbaheysiga su’aal aheyd waxa ay kala yihiin isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya iyo isbaheysiga isbedel sameynta ayey waxa ay ku jawaabeen :-
Waxaan shacabka soomaaliyeed u sheegeynaa in aaney isku qaldin isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya iyo isbaheysiga musharaxiinta isbedel sameynta,isbaheysiga xisbiyada siyaasadu waa xisbiyo wadaaga dalad ay ku mideysayihiin iyadoo xisbi waliba goonidiisa u jiro isbaheysigaan kalena waa musharaxiin isu tagey kana mieysan sidii ay isu xulufesan lahaayeen si ay ugu guuleystaan in ay bedelaan hugaanka dalka sida magacooda ka muuqata.
warsom2011@gmail.com








