Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xukuumada kumeel gaarka ah ee Jubaland ayaa sheegtay inay Kenya ka saacideyso xogta kusaabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wafdi kasocday Jubaland oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan C/Nuur ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia. Waxay ka wada hadleen arimaha ammaanka xadka. Shir ay wada qaateen ayaa...
Xarun koronto oo dhawaan laga dhisay Dhadhaab ayaa la filayaa inay wax tari doonto ganacsiga iyo dhaqaalaha degmada Garissa oo Dhadhaab ay ka tirsan tahay. Xaruntaa ayaa waxay uga faaiideyn doonta korontada ilaa 200 oo kun oo qof. Barnaamijkaa ayaa qeyb ka ah mashruuca koronto galinta miyiga ee dawlada Kenya...
-Caasimada Muqdisho waxaa ka socda kulan ay leeyihiin maamulada jaamacadaha Soomaaliya. Kulankaa ayaa waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa manhajka iyo cilmibaarista ama daraasadaha ay jaamacaduhu sameeyaan. Soomaaliya ayaa lahayd dhowr jaamacadood wixii ka horeeyay sanadkii 1991 markii dawladii dhexe dhacday balse haatan tobanaan jaamacadood ayaa dalka kuyaala. Arintaa ayaa...
Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa oo subaxnimadii hore ee saakay howlgal ka bilaabay deegaanno hoostaga magaalada Beledweyne, ayaa iska horimaad kala kulmay xoogagga Al-shabaab meel dulleedka ka ah deegaanka Luuq-Jeeloow.Ciidammada isbaheysanaya ayaa subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay deegaanno dhaca galbeedka Beledweyne oo fariisimo u ah dagaalyahannada...
Ku-simaha madaxweynaha Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Somalia ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga Qaban-qaabada Aaska qaran ee Muqdisho loogu sameynayo Allaha u Naxariistee Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somalia, Jen. Maxamed Cali Samanar. Prof.  Jawaari, ayaa sheegay in Hawsha Qaban-qaabada Aaska Qaran ee Jen. Samatar ay...
Booliska Sweden ayaa laga yaabaa inay qabqabtaan Soomaali sharciyo aan laga siin Sweden. Soomaalidaa ayaa darxumo kula nool Sweden. Waaxda socdaalka ayaa dalban karta in ay raraan dadkaa Soomaalida ah maadaama aysan heysan meelo si sharci ah ay ugu noolaadaan-Waa guryo. Wax ka baddalid lagu sameeyay sharciga magangalyo doonka dhawaan ayaa...
Kulankan oo ka dhacay Hotel Red Sea oo ku yaal magaalada Mandera ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubaland, Maamulka gobolka Gedo, madaxda degmada Mandheera iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya. Wasiirra ka tirsan dowladda Jubaland ee kulankaasi ka qeybgalay waxaa kamid ah;...
Al-shabaab ayaa ku Gooddisay inay sii wadayaan Weerarrada ka dhanka ah Maamulka Puntland, kaddib markii magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka geysteen Qaraxyo sababay dhimashada in ku dhaw 30-qof, ayna dhaawacmeen afartameeyo kale. Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weeraradii Axaddi ka dhacay Gaalkacyo ay la beegsadeen meeshii...
Xaflad ay ku qalin-jabinayeen boqolaal arday ah oo dhameystay wxbarashada Jaamacadda Modern University for Science and Tachnology (MUST) , ayaa ka dhacday Hotelka SYL ee Muqdisho, waxaa ka qayb-galay madax ka tirsan Dowladda FS, Jaamacadaha, Ururada bulshada, warbaahinta iyo maamulka Jaamacadda Modern. Ardaydn oo ah Dufcaddii Koowaad ee ka qalin-jebisay...
Waxaa Degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe gaaray ciidammo ka tirsan Booliiska Somalia oo sugi doona ammniga, gaar ahaan sidda ay saraakiisha hadalka u dhigeen madasha shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. Saraakiisha ciidammadan hor kacaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taliska booliiska amar ku...