Ardeyda Dhigta Jaamacadda Hiiraan University ee Magaalada Beledweyne, ayaa maanta baaritaanno caafimaad oo lacag la'aan ah u sameeyay qoysas barakacayaaal ah oo ku dhibaateysan daafaha magaalada Beledweyne, iyaga oo dhinaca kalana gaarsiiyay dawo lacag la'aan ah.
Gaar ahaan, Ardeyda iyo Dhakhaatiirtii booqashadooda ku Wehlinayay ayaa baaris Caafimaad u sameeyay Qoysas...
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin Diyaarado la sheegay, in ay Duqeeyeen meel u dhow degmadda Oodweyen iyo kuwo soo degay Saylac agteedda.
Taliyaha Ciidanka oo kulan la yeeshay Guddida Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda ayaa markii uu shirka ka sooo baxay warbaahintu...
Ra'iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa noqday hoggaamiyihii u horreeyay caalamka oo la kulma Donald Trump oo dhawaan loo doortay madaxweynaha dalka Mareykanka.
Shinzo Abe, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is-aaminaad leh uu la yeelan karo Madaxweyne Trump, waxaana kulanka labadan mas’uul uu ka dhacay guriga uu Trump...
Danjiraha midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay inaysan Al-shabaab marnaba carqaladeyn karin doorashooyinka ka soconaya qeybo ka mid ah dalka.
Waxaa uu sheegay in meellaha qaar ay jiraan sidda uu hadalka u dhigay arbushaad iyo carqaladeyn aan badeyn oo ay ku sameeynayaan ergooyinka wax dooranaya, balse wax...
QM ayaa ku eedeysay dawlada Australia inay ku xad gudubto xaquuqda qaxootiga iyo dadka doonaya inay Australia galaan.
Sida dawlada dalkaasi ay ula dhaqanto magangalyo doonka ayaa saraakii QM ka tirsan ay ku tilmaameen nacayb iyo xadgudub. Australia ayaa ku xakameysa dadka magangalyo doonka ah xeryo sidii dad ka takooran...
Ugu yaraan 73 qof ayaa dab booyad shidaal oo qaraxday ka kacay ku dhintay dalka Mozambique.
Tobanaan qof oo kale ayaa dabkaa ku dhaawacmay. 'Dhimashada yaa haatan gaadhay 73', idaacada dawlada ee dalkaasi Mozambique ayaa sidaa sheegtay shalay Khamiistii.
Booyada ayaa markii ay gubatay waxaa dad meesha ka ag dhawaa ay...
Doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta magaalada Cadaado, ayaa xubnaha maanta ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose, waxaa ka mid ah wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa.
Wasiirkan ayaa ah ninka maamulayey hanaanka doorashada la sheegey in ay dalka ka dhaceyso 2016ka,isagoo qoondeeyey jaan gooyaa ku...
Abaaro aad u daran, ayaa ka jira Qaar ka mid ah deegaanno ka tirsan goballada Puntland, waxaana jira qaylo-dhaan kasoo yeeraysa dadka ay abaaruhu sameeynta ku yeesheen, kuwaasoo u badan kuwo ku xoollo beelay abaarahan.
Warbixino ay soo saareen hay'adaha ka shaqeeyaya Gar-gaarka bani’aadamnimo ayaa lagu sheegay in tiro badan...
Madaxweynaha la Doortay ee Dalka Mareykanka, Mr. Donald Turmp, ayaa ku xaqiijyay qorshihiisa mushaarka yar, kaddib Wareysi uu siiyay barnaamijka 60-ka daqiiqo ee Telefishinka CBS.
Donald Trump, ayaan ka warqabin inta uu le’eg mushaarka madaxweynuhu uu qaato, balse wuxuu sheegay inuu u malaynayo inuu u baahan yahay inuu qaato Hal...
-Dawlada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka dawlada Kenya ee ah in xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dib loo dhigo muddo 6 bilood ah oo dheeraad ah.
Shalay ayaa dawlada Kenya ay sheegtay in bishaan Nofeembar aan la xiri karin xeryaaha. Arinkaa ayaa ahaa qorshaha; waa in la xiro bishaan 30keeda.
Waxaana...


















