Thursday, June 4, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya kadib markii uu tixraacay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxaana uu si rasmi u Magaacabay S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar. Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed, si ay...
Jilayaasha Yuusuf Cabdillaahi Muuse 'Yuusuf Ceegaag' iyo Cabdiqani Maxamed Cabdillaahi 'Iskufilan', oo aad caan uga ah gudaha Somaliland iyo geyiga Soomaalida, ayaa ku dhawaaqay in ay siyaasadda ku biirayaan. Ceegaag iyo Iskufilan, oo ah laba jilaa oo saaxiib ah isla markaana caan ku ah in ay Ramadaan kasta isla keenaan...
Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad la sheegay iney leedahay Qaramada Midoobay, xili ay dooneysay iney caga dhigato garoonka. Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii diyaarada oo dooneysay iney soo caga dhigato garoonka ay u bixi weysay lugta hore, sidaasna ay...
Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda ee ku bahoobay ururka Maanshiil ayaa soo dhoweeyay wada tashiga nabadeed ee maalmo ka hor uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay tilmaameen inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro. "Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay iney si gaar ah uga dhaceen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga degmada Raage Ceele, islamarkaana khasaare...
Kooxda Al-Shabaab ayaa joojisay dhoollatuskii ay ciidan ahaan u sameyn jireen maalinta Ciidda, taasoo ay hore ugu muujin jireen awoodda ciidan iyo hubka ay haystaan. Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Alshabaab. Markii ugu horreysay, deegaanada ay...
Siyaasiyiin hor leh ayaa kusoo biiray dadka sida weyn usoo dhoweenaya gogoshii wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyagoona ku tilmaamay mid loo baahnaa si dalka daruufaha adag uu marayo looga saaro. Siyaasiyiinta waxaa qeyb ka ah Ra'iisul wasaarayaashii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh inay tahay tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka. "Sida aan...
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha wadatashi ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana uu ku tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday midnimada Soomaaliya. "Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh, Waxaan ugu...