Thursday, September 10, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u shaacisay dhamaashiyaha wejigii kowaad ee sahminta shidaalka ee ay waday Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO), waxaana ay wasaaraddu sheegtay in ay shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagi doonto  natiija xogta la aruuriyey marka ugu horeysa ee...
Midowga Yurub ayaa shalay oo Sabti aheyd shaaca ka qaaday in Spain ay la wareegtay hogaanka howlgalka ciidamada badda ee “Atalanta” ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaalida. Howlgalkaan loogu magac daray Atalanta waxa uu qeyb ka yahay dadaalada socda ee lagu xaqiijinayo nabad galyada xeebaha Soomaaliya oo goob istiraaji ah...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya aysan ku xirnayn taageerada beesha caalamka  laga helo, balse ay tahay mas’uuliyad iyo dadaal laga rabo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu tilmaamay, in beesha caalamka ay Soomaaliya ka taageertay dhinacyo badan oo muhiim u ah dhismaha...
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta Shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ay u dirayaan Madaxda Mucaaradka ee Dowladda siidii ay uga qeyb gali lahaayeen gogoshadii uu fididyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo ay horey mucaaradka shuruudo ugu xireen ka qeyb galkoodi...
Dowladda Iran oo ka jawaabaysay weerarkii ay Israa’iil ku dishay saraakiil ka tirsan ciidamada Iran, isla markaana ku burburisay qaar kamid ah warshadaha hubka Jimcihii shalay, ayaa samaysay weerar-celin, iyadoo raxan gantaallo ballistik ah ku garaacday qaybo kamid ah Israa’iil. Weerarka Iran oo dhacay saacadihii dambe ee Jimcihii shalay, ayaa...
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka kaas oo muhiim u ah xoojinta amniga, madaxbannaanida, iyo nidaamka isgaarsiinta...
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in Markabka Oruc Reis ee sahminta shidaal kawaday biyaha Soomaaliya uu soo gabagabeeyay howlgalkii uu u joogay Soomaaliya. War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Tamarta Turkiga ayaa shaaca looga qaaday in markabka Oruc Reis uu sameeyay sahan 3D...
Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar ama kulamo siyaasadeed oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan dowladda, iyadoo si gaar ah digniin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan ka tirsanayn xisbiyada siyaasadeed ee ka diiwaan gashan Puntland. Go’aankan ayaa kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal,...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi iyadoona la magacaabay kuwa cusub oo bedalaya. Duqa Muqdisho Muungaab ayaa u magacaabay Cumar Meeyre Mocoow, Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmadaasi laga qaaday Maxamuud...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Changsha ee xarunta gobolka Hunan ee dalka Shiinaha waxaana uu ku biiraya wafuuda ka socota dalalka Afrika oo ay ka qeyb galayaan shirweyne ballaaran oo looga hadlayo iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Wasiirka ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya Bandhigga Dhaqaalaha iyo...