Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaalieed ayaa ku baaqay in la joojiyo dilalka ku saleysan qabiilka ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud. Ugaaska ayaa baaqan ka jeediyay kulan uu maanta magaalada Beledweyne kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradka beellaha gobolka Hiiraan...
Waxaa goor dhaw lagu dhawaaqay gudiga qaban-qaabada doorashada xubnaha aqalka sare oo ka kooban 6 xubnood, kuwaa oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka aqalka sare. Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa loo magacaabay Senator Prof Max’ed Cismaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay maamul gobolleedka Hirshabeellee, halka xog-hayaha gudiga doorashada uu noqonayo...
War lagu baahiyaa Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalka midowga Africa ka xun yihiin shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Calamada ee degmada Afgooye. War ka soo baxay midowga Africa ayaa lagu sheegay AMISOM siweyn uga xun tahay shilka ka dhacay dulleedka Muqdisho’’Waxaan ka xunnahay shilka nadinta...
Wararka naga soo gaaraya degmada Bandiiradley oo hoostaga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,  ayaa sheegaya in afar ruux oo isku qoys ah ay ku dhinteen dab qabsaday gurigii ay deganaayeen, C/risaaq Axmed Jaamac oo ah guddomiyaha degmada Bandiiradley oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xalay waqti danbe oo ay dadku...
Diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa dalka Turkga ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxayna diyaarada kasoo duushay Hong Kong. Diyaaradan bur burtay oo nooceedu ahaa Boeing 747 ayaa ku burburtay guryo ku yaala meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Manas oo 25 Km u jira magaalada Bishkek ee...
Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii ka soo wareegtay weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig militari oo ay Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, ayaa waxaa ka qeyb-galay 400 oo qoys oo intooda badan lagu dilay weerarka dad ay isku qoys ka soo jeedeen. Munaasabada oo ka...
Maanta ayaa lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho lagu qabto wajigii labaad doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo todobaadyadii la soo dhaafayba hakad ku jirtay. Saddax ka mid ah shanta kursiga ee dhiman xildhibaannada aqalka sare ee gobollada W/qooyi ayaa la filayaa in maanta lagu doortay magaalada Muqdisho. Musharixiinta...
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo maalintii shalay ka hadlayay kulan uu guddoonka baarlamaanka la yeeshay guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in howlaha baarlamaanka hor yaala u xayiran yihiin xildhibaannada wali harsan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlo muhiim ah oo ay ka mid tahay doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada ee...
Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada degmada xabsiga ku dhax dillay wiil uu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee deegaanka Moqokori. Taliyaha ciidamada amniga degmada Maxaas Bashiir Faarax Darandoori ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah ciidamada deegaanka toogasho ku...
Su'aalo badan ayaan wali jawaab loo helin su'aalahaas oo ku saabsan weerarkii Ceel Cadde ee ciidamada Kenya Shabaabku ku soo qaadeen. Su'aalaha aan wali jawaabta loo helin ayaa waxaa ku jirta su'aasha ah, 'meeqa askari ayaa lagu dilay halkaa?' Maanta ayay hase yeeshee ku beegan tahay hal sano kadib laga soo...