Xaalada magaalada Cadaado ayaa degan, kadib iska horimaad subaxnimadii hore ee saaakay halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo booliiska dowlad gobolleedka Galmudug.
Wararkii ugu danbeeyay ee halkaa naga soo gaaraya ayaa sheegaya in iska horimaadka saakay dhacay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan dhinacyadii iska horimaadku...
Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xireen ninkii la sheegayinuu ka danbeeyey weerarki habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.
Ninka oo lagu magacaabo Abdulkadir Masharipov ayeey warbaahinta dalka Turkiga sheegtay...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay qeyb ka mid ah doorashada xubnaha aqalka hoose, gaar ahaa labadii kursi ee ka harsanaa xildhibaannada beellaha Banaadiriga.
Doorashada oo aheyd mid xiiso gaar ah xambaarsaneyd ayaa mid mid ah kuraasta lagu tartamay la maray dhowr wareeg kadib markii ay musharixiinta kala bixi waayeen.
Kursiga...
Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay soo xiritaankii kalfadhigii labaad ee baarlamanka Jubaland ayaa ka hadlay dhinaca amniga, isagoo sheegay in ay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubooyinka.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in duruufo...
Ciidamada nabad-sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay rag sida la shegay ku howlanaa daabacaada lacago doolar been abuur ah.
Ciidamada NISA ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ku qabteen warshad lagu farsameeyo doolarka been abuurka ah iyo dadkii ku howlanaa.
Ciidamada NISA ayaa baaritaanka waxay...
Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed askari oo boolis ah lagu dilay weerar mintidiin looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxaha islaamiyiinta ay ku qaadeen bar koontarool oo ku taala galbeedka dalkaasi.
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegayaan in labo ka tirsan mintidiinta weerarka soo qaaday sidoo...
Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen Al-shabaab fariisimo ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada.
Dadka degmada ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlay saldhigyada ciidamada AMISOM ee weerarka lagu qaaday xalay.
Siddoo kale, dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is...
Gudoomiyaha ciidamada AMISOM ahna wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaciyay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala dalka Soomaaliya.
Francisco Madeira, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka yimaada dalalka Midowga Africa kuwaasi oo ka mid noqanaya howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya...
Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada.
Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada guddoonka aqalka sare Max’ed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta ay u fariisan doonaan inay...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in siyaasiyiin reer K/galbeed ah uga baxeen balantii ay wada dhigteen.
Shariif Xassan ayaa sheegay in hamigiisa uu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo hogaanka dalka oo...


















