Xog-hayihii hore ee dalka Maraykanka iyo aktarada jishay shactirada Big Bang Theory ayaa labadooduba sheegay in ay Muslim ahaan isu diiwaangalin doonaan haddii madaxweyna Donald Trump uu sameeyo diiwaangalin u gaar ah Muslimiinta Maraykanka.
Madeleine Albright oo siyaasiyad ah iyo Mayim Bialik ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin "diiwaangalintaas"...
Deegaanka lagu magacaabo Burjada-Ciidta oo galbeedka uga beegan magaalada Beledweyne ayaa lagu dilay qarax miino labo ruux oo ka tirsanaa kooxo isbaaro halkaa u tiilay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Qarax ayaa lagu waramayaa in uu ahaa mid goobta loogu sii aasay maleeshiyadan oo la sheegay in halkaa...
Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa ku wareejisay Hormuud Telecom Foundation lacag dhan $ 600, 000 taas oo loogu talagalay gurmadka abaaraha dalka xilli si daran ay abaaruhu u saameeyeen dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada dalka.
Guddoomiyaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed MaxamuudYuusuf ayaa tilmaamay in shirkadda go’aansatay inay lacagtan uga...
Iyadoo guud ahaan marka la eego inta badan Soomaaliya ay ku jirto abaar saameyn weyn oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay dadka iyo duuniyada ayaa dhinaca kale warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dad ku dhaqan deegaanno xitaa ay adag tahay in gargaarka la gaarsiiyo.
Guddoomiyaha degmada...
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar safmar ah subaxnimadii hore ee saakay ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamadooda ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Laakiin dhinaca kale dowlada Kenya waxaa ay beenisay sheegashada Al-shabaab ee ah in weerarka ku dileen tiro...
Xarakada al-Shabaab ayaa sheegeysa inay ciidamada KDF ee Kenya ay ka dileen 57 askari dagaal saaka ka dhacay Kulbiyow Jubada Hoose.
Waxay intaa raacisay inay ka qabsatay hub aad u badan iyo gawaari. Sikastaba ha ahaatee, afhayeenka KDF Paul Njuguna ayaa inkiray sheegashadaa.
Wuxuu Mr. Paul Njuguna sheegay in warkaasi waxba...
Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan telefishinka Universal ayaa waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaya waxaa uu magaalada Jigjiga kula yeeshay ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Ra'iisal wasaaraha waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee Itoobiya.
Waraysiga ayaa Cabdisalaan Hereri waxyaabaha uu...
Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow, ayaa dib ugu laabtay dalkiisa si uu awooda ula wareego.
dadweyne badan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee caasimadda Banjul.
Barrow ayaa isbuucii la soo dhaafay lagu dhaariyay dalka Senegal, kadib markii uu diiday Yaxye Jammeh in uu xafiiska baneeyo.
Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa...
Al-Shabaab ayaa weerartay Kulbiyow Jubada Hoose halkaa oo ay ku gashay ciidamo ka tirsan kuwa KDF ee AMISOM.
Dagaalkaa oo cuslaa ayaa goob jooge u sheegay Hiiraan Online in al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.
Intaa...
Michael Keating oo ah ergayga xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in cawaaqib xun uu mudan doono madaxweynihii musuq lagu doorto Soomaaliya.
Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ee bisha danbe dhici doonta ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo...


















