Dhug gaar ah ayaa loo yeelanayaa il gaar ahna waa lagu eegayaa taliyeyaasha AMISOM ayadoo ciidamo badan uga le'anayaan Soomaaliya ciidamada hawlgalka AMISOM.
Waa faalo lagu qoray maanta bogga wararka ee wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa.
Ciidamada KDF taliyeyaashooda sarsare ayaa il gaar ah lagu eegayaa kadib weerarkii labaad...
Qaxooti Soomaali ah oo ku nool Kenya ayaa inay Mareykanka u socdaalaan loo diiday kadib 10 sano markii ay sugayeen safarkaa.
Ilaa 140 qaxooti Soomaaliyeed ah oo dib u dejin awal lagu waday inay asbuucaan ka helaan Mareykanka ayaa waxaa joojiyay amarka madaxweyne Donald Trump.
Kadib markii ay duulimaadyada u yimaadeen...
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaanadda Soomaaliya kula dardaarmay inay u codeeyaan musharaxa daacad ah oo maamuli kara Soomaaliya.
Sidoo kale, Faysal waxa uu ka hadlay wada hadalkii u socday Khaatumo iyo Somaliland iyo xulista musharaxa madaxwene ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu ku wareejin...
Maanta oo Axad ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha, iyadoo illaa 9 Musharax ay maanta jeedin doonaan khudbado ay uga hadlayaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxqabadkooda haddii la doorto.
Maalintii shalay oo Sabti aheyd iyo Khamiistii todobaadkii hore ayaa waxaa baarlamaanka hortagay oo...
Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in laga wareejiyay goobtii la filayay in doorashada Madaxweynaha ka dhacdo oo aheyd Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, kaddib markii ay cabasho soo gudbiyeen illaa 18 Musharax.
C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay cabashada Musharaxiinta ayaa sheegay in la go’aansaday in doorashada ka...
Warsaxafadeed
(Muqdisho-04-02-2017) Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed, Xildhibaano Qaran, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada; Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, oo shirkuyeeshay Magaalada Muqdisho, Hotel Maka Almukarama, iyagoo ka hadlay faragelinta qaawan ee doorashada Soomaaliya lagu hayo, iyo baahida loo qabo isbadal hogaamineed ayaa waxay Cadeynayaan kuna baaqayaan, iyagoo isku duuban:
...
Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka digayo sida uu hadalka u dhigay faragalin dowlado shisheeye ay ku hayaan doorashada Soomaaliya.
C/raxmaan Faroole ugu baaqay...
Maanta ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraastii horay doorashadooda uga dhacday magaalada Jowhar, kaa oo gudiga xalinta khilaafaadka ku soo dareen shan kursi oo lagu eedeeyay in lagu soo doortay hab musuqmaasuq ah.
Kursigan ayaa ah kursi xildhibaannimo ee beesha Jidle, waxaana...
Dalka Mareykanka Xaakim heer federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dadkii imanayay 7 dal oo muslim ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey...
Adeeg-ga Shirkad-da Viberka ayaa bilaash looga dhigay dadka uu saameeyay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka ,kaasi oo muwaadiniinta todobo wadan oo Muslim ah looga mamnuucay in ay gudaha u soo galaan Maraykanka.
Shirkad-da ayaa sheegtay in aysan wax lacag ah ku dalaci doonin wicitaanka dadka adeegsanaya adeeg-gan marka...


















