Waxaa goor dhaw ka bilaabatay xarunta gollaha shacabka dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadkii hore dib u dhac ku yimid.
Doodda oo xiligan si toos ah looga daawanaya TV-ga Qaranka ayaa waxaa daadihinaya Wariye Yuusuf Xassan Macalin, iyadoo ilaa iyo hadda ay ku sugan yihiin saddex musharax...
Wararka ka imanaya xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in xalay dab xoogan uu ka kacay suuqii ugu weyn ee xeryaha Dhadhaab ee ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, dabkaasi oo baabi’iyay dhamaan goobihii ganacsiga Suuqa Dhadhaab ee xeryaha qaxootiga.
Dabkaan ayaa ka dhashay sida dadka ay sheegeen Koronto, waxaana...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar cusub saraakiisha xuduudaha faraya inay si adag u baaraan dadka galaya dalka, xili uusan wali shaqaynaynin go’aankii uu dhinaca socdaalka ee uu soo rogay.
Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan mid adag, ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan...
Kaameruun ayaa soo afjartay 15 sano oo ay sugaysay in ay Koobka Qaramada Afrika mar kale hanato
Kaameruun oo gool lagu lahaa markii hore ayaa boodhka iska jaftay oo ciyaartii kama dambaysta ahayd Masar kaga badisay 2-1 iyagoo hantay koobkii shanaad ee Qaramada Afrika
Vincent Aboubakar oo badal ku soo galay...
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo ayaa habaynimadii xalay u dabaaldagay sanadguuradii 5aad ee Mamulka Khaatumo State of Somalia.
Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan Khaatumo State Of Somalia iyo dad weyne aad u badan oo reer Columbus ah...
Madaxweynaha dowlad gobollleedka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay goob joog uga noqdaan doorashada madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo 08 bishan Feberaayo maalinta Arbacada ah.
Madaxweynaha oo faah faahin ku bixiyay ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga...
Maanta oo Isniin ah waxaa loo balansan yahay in ay dhacdo doodda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay dooddan baaqatay 31bishii Janaayo sababo la xiriira Internet –ka oo waqtigaa hawada ka maqnaa.
Guddiga qabanqaabada doorashada xilka madaxweynaha ayaa soo saaray jadwalka habka iyo sida ay u dhaceyso...
iidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu waramayaa in ay maanta hor istaag ku sameeyeen in uu gaaro magaalada Cadaado guddoomiye ku-xigeenka koowaad baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay arintan madaxweynaha maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed oo sida...
Xarunta gollaha shacabka, ayaa maanta lagu dhaariyay labo xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayashii dib loo soo doortay.
Xildhibaan Sheekh Shaacir oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee dalka.
Sidoo kale waxaa la dhaariyay xildhibaan...
Roobab lixaad leh ayaa shalay galinkii dambe ka hooray Sanaag ayadoo ay jireen abaaro ba'an Somaliland iyo Soomaaliyaba qeybo badan oo ka tirsan.
Meelaha roobabku ka da'een ayaa waxaa kujira Ceerigaabo iyo dhul xeebeedka baahsan ee gobolka Sanaag. Roobabkaa ayaa biyo dhigay dhulal baahsan gaar ahaan meelo abaar ba'ani ku...


















