Puntland ayaa sheegtay inay dishay horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Daacish, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Muuse Siciid. Horjoogahan, ayaa sida ay sheegtay Puntland, u qaabilsanaa ururka Daacish xiriirka iyo isku xirka arrimaha dibadda.
Wasiir u-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Nuur, ayaa wareysi uu siiyay BBC Somali ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si weyn uga hadlay arrimaha quseeya xajka iyo qidmadaha ay qaadaan Shirkadaha Duulimaadka ee ay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Islaamka ay u igmaday in Xujeeyda Soomaalida laga qaado si ay xajiyaan, waxaana uu faray wasiirka wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow in la dhimo...
Tiro hoobiyaal ah ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaasha qaarkood lasoo wariyay iney ku dhaceen xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka garoonka Aadan Cadde...
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku dishey xalay xaafadda Hantiwadaag Dr. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqiinay Dr. Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladd goboleedka Hirshabelle.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah Mucaaradka Dowladda oo uu sheegay inay yihiin kuwo huwan fariimo Dowlado Shisheeye aan dooneeyn xasiloonida Soomaaliya.
Waxa uu xubnaha Mucaaradka uu ku eedeeyay inay fagaarayaasha lasoo taagan yihiin shirar jaraaid iyagoo soo gudbinaya fariimaha...
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, ayaa ku eedeeyay ciidanka PSF, inay u adeeggaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku lug leeyihiin falal sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Puntland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay yihiin...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalamayaasha Al shabaab lagu jabiyay dagaalo qaraar oo saacado badan socday kana dhacay degaanada xuduudka ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleeyda ay halkaasi kula dagaalameen Al shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaaladaan ayaa ugu...
Dowladda Jabuuti ayaa bilawday xariga iyo masaafurinta muwaadiniinta Yemen iyo kuwa Soomaalida iyo dadka kale ee u dhashay Ethiopia, kadib markii ay ku xad gudbeen sharciga degenaanshaha iyo shaqada.
Tallaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda amni iyo dhaqaale ee ka taagan wadamada muwaadiniintaan la musaafurinayo ay horey naftoodi...
Xiisad ka dhex aloosan ciidamada PSF ee Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo, taasoo salka ku haysa howlgallo amni oo ay ciidamada PSF habeenadan ka wadeen magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifo Jabsade), ayaa sheegay in ciidamada PSF aysan ahayn ciidamo...
Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Wang Yu, ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdikhadir Axmed Aw-Cali, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin ilaalinta midnimada qaranka, madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka...


















