Sunday, July 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa ka jawaabtay eedeymo culus oo ka dhashay deeq daawo aheyd oo maalin ka hor SoDMA geysay degmada Moqokori. SODMA ayaa sheegay in 24-kii bishaan ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan hal tan oo daawo ah oo isugu jirtay noocyada kala...
Maamulka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xabsiga dhigay 27 kaluumaysato Yemeni ah oo uu ku jiray hal qof oo Soomaali ah, xilli ay doontii ay wateen ay si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay gudaha badda degaanada Puntland. Kalluumeysatada ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga kalluumeysiga, waxaana Wasaaradda kalluumeysiga...
Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda, shirkaan...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u dhaliilay gargaar hay'adda SODMA ugu talo gashay ciidanka Macawiisleeyda oo ay geysay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in gargaarka SODMA soo gaarsiisay aysan aheyn midkii ay ka sugayeen dowladda, isagoona xusay in dhowr kartoon oo...
Maamulka Puntland ayaa wafdi sare u diray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ka socdo abaabul kacdoon bulsho oo looga soo horjeedo sida maamulka uusan wax uga qaban baahiyaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan xayiraadda la saaray mashaariicda dowladda Federaalka u qoondeysay gobolka. Shacabka Gaalkacyo ayaa ka cabanaya in maamulka...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni iyo cadaadiska saxaafadda ee la xariira caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta Muqdisho. Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay xarig maanta Muqdisho ugu geysatay dowladda Fedaraalka ilaa sideed Wariye,...
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn ugu amaanay ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle sida ay uga go'an tahay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Agaasime Sanbaloolshe ayaa khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay kulan ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ay...
Guuleed Saalax Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, inuu Puntland usoo kiraystay shirkado calooshood u shaqeystaal ah oo usoo saara kheyraadka Puntland. “Waxaad hadda la socotaan in si aan sharci ahayn lagula soo baxayo kheyraadkii dabiiciga ahaa ee Puntland, in...
Khilaaf ku saabsan lahaanshaha dhul ayaa ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaasoo salka ku haya deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac. Maamulka Puntland ayaa shalay ciidamo u diray deegaanka Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay maalin ka hor tageen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka...
Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadaysa joogitaanka ciidankiisa ee Soomaaliya isagoo keenaya 500 oo askari oo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada iyo hawlgalada diyaaradaha duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ah dhulkii ay dhowaanahan Al shabaab kala wareegeen ciidamada Dowladda. “Ciidamada Turkiga waxa ay u joogaan oo kaliya in ay ilaaliyaan...