Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda, Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah horey loogu diray casuumaad, si uu uga mid noqdo hogaamiyeyaasha...
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga...
Wasiirka Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uusan ka qeyb geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada, ilaa uu ka laabto doorashadii lagu doortay ee dowladda Federaalku ku...
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 24-saac kaddib ka hadlay dilkii magaalada Laascaanood loogu geystay Faarax Jaamac Caydiid, oo ka tirsanaa xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.
Taliyaha Ciidanka Booliiska SSC-Khaatumo, S/Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in ay baaritaanno socdaan si loo ogaado cidda ka dambeysa dilka sarkaalka.
Taliyuhu wuxuu sheegay in dadka...
Labo diyaarad ciidan oo kasoo duulay dalka Turkiga ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo warbaahineed oo Turkiga ah.
Diyaaradahan ayaa sida la xaqiijiyay siday ilaa 500 oo askari oo Turkish ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tirada guud ee ciidamada Turkiga ee...
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa sheegay inay kor dhiyeen muddada diiwaangelinta ururada Siyaasadda Dalka kadib markii ay heleen codsiyo uga yimaada dhinaca ururada sida ay hadalka u dhigeen.
Guddiga ayaa ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha kale ee arrimaha Doorashooyinka inuu ku kordhiyey muddada diwaangelinta ururrada...
Sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood.
Faarax Caydiid Jaamac (Bariiis), oo ahaa khabiir amni oo Itoobiya u joogay magaalada Garoowe, ayaa maydkiisa laga helay dooxada Goojacadde ee magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in xalay lagala baxay guri uu ka...
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la'aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.
Carruurtan, oo da’doodu u dhaxeyso 3...
Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Yemen Shaaic Muxsin Al Zendani ayaa sheegay in been abuur ay tahay wararka la isla dhex maraayo ee ku saabsan in la iibinaayo dhismaha Safaarada Yemen ay ku leedahay Soomaaliya.
Wasiir Al Zendani ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan fariimo kala duwan oo kasoo gaaray qaar...
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer.
War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gabi ahaanba sifeeyeen godadkii ay ku jireen xubnaha Daacish, iyada oo...


















