War kasoo baxay Taliska ciidanka AMISOM ayey ku beeniyeen hadal ay Al shabaab ku sheegeen inay 5 Askar oo Ugandans ah ku dileen qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Al Shabaab ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegtay in Shan askari oo Ugandans ah ay ku dileen qarax miino oo ka dhacay...
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Munaasabad lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, mudanayaal ka kala socday Baarlamaanka, Aqalka sare iyo Golaha Wasiiradda.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka...
Inkabadan 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida, sidaasi waxaa yiri saraakiil diiday in magacooda la sheego.
Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde...
Waxaa maanta magaalladda Muqdishu la filayaa in lagu soo gaba-gabeeyo shirka u socda madaxda dowladda Fedaraalka iyo hogaamiyeyaasha Dowlad-Goballeedyada hoosyimaada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Shirka ayaa shalay waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Furitaanka kullankii shalay waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali...
Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanta kusoo dhigay koox hubeysan oo xalay fiidkii nin ku dilay Buundada Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab ee magaalladda Muqdishu.
Kooxdii hubeysneed, ayaa watay Bastoolado iyo gaari nooca raaxada ah, sida dadka deegaanka ay u sheegeen WARSOM.
Dhinaca kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka la...
Magaalladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa maanta ka taagan xiisad u dhexeeysa maamullada Galmudug iyo Puntland.
Xiisadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay salka ku heyso Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Galkacyo oo dhisme lagu bilaabay.
Guddoomiye ku-xigeenka Ammniga iyo Siyaasadda Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed, ayaa...
Kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa looga soo horjeestay koox diimeed-ka 'Saadicuun Bilxaq' oo dhawaan looga dhawaaqay qaybo kamid ah Somalia oo ay ku jirto magaalada Garowe.
Waxaa ka soo qayb-galay kulankan maamulka gobolka Nugaal , taliyayaasha ciidamada amniga Puntland oo ay ku jiraan kuwa qaabilsan la...
Ciidamada Ammaanka dalka Mareykanka ayaa bilaabay qabqabashada dadka ajanbiga ah ee aan sharciga heysan gaar ahaan Soomaalida.
Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameesanaya dadka soo galootiga ah ee aan wax sharci ah heysan, waxaana xusid mudan in ilaa 10 ruux oo Soomaali ah todobaadkan ku qabteen Atlanta.
Dadka ay ciidamada...
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale, ayaa booqday isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo ay ku jiraan askar dhaawacan.
Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa ku jira dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay Warshadda Nacnaca Degmada...
Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa sheegay afartii bilood ee la soo dhaafay in aysan helin caddaymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyo Dowladda Eritrea iyo Alshabaab.
Monitoring Group ayaa horay ugu eedeysay Eritrea in ay xiriir la leedahay Al Shabaab...


















