Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Federalka kuna sugnaa deg.waaberi oo xaley Bumb gacmeed lagu tuurey.
Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir.
Ciidanka la weeraray ayaa ku sugnaa Xaafadda Cali-Boolaay ee Degmada Waabari, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiraan Online.
Qaraxa kadib, ayaa waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay fureen Ciidamada Dowladda ee Weerarkaasi lagu...
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Dastuurka Wasiirkeeda C/raxmaan Xoosh Jibriil,Agaasimaha guud ee wasaarada,iyo Xubno kale ayaa kulan looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Muqdisho ku yeeshey Maanta.
Kulanka ayaa dhanka kale waxaa goob joog ahaa Gudoonka Isbaheysiga,xildhibaano Xisbiyada ka tirsan iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada,xoghayaha guud ee gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan...
Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlado Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017.
Kulanka waxaa shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka...
Daraasiin carruur ah oo la ildarnaa cudurka Shuban Biyoodka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeryooday deegaannada Aato, Yeed iyo deegaanno kale oo hoostaga degmadda Xudur ee Gobolka Bakool.
Masuuliyiinta deegaannada, ayaa dhawaan u qeyla dhaamiyay hay’addaha, waxaana ay ka dalbadeen in gar-gaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku nool Gobolka Bakool.
Dadka...
Madaxweynaha cusub ee Xiriirka Kubbadda Cagta ee Qaaradda Afrika, Mr Ahmed Ahmed, ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu.
Wafdiga uu hogaaminayo Mr Ahmed Ahmed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdishu kusoo dhoweeyay wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda.
Sheekh...
Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, oo hadda ku sugan magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan wax muuqata oo shaqa ah ka qaban deegaannada Puntland tan iyo markii Turkiga ay yimaadeen Soomaaliya.
Mudane Gaas ayaa sheegay in Mashaariicda ay haboon tahay in la gaarsiiyo Soomaaliya...
Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa qarax miino lagula eegtay duleedka degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay, in qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso.
Lama oga khasaaraha gaaray ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Dhinaca kale Xarakadda...
Sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda toogasho ku dileen Labo burcad badeed ah halka mid kalana ay dhaawaceen Sabtidii shalay.
Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka burcad badeeda ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka...
Kolonyo ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa qarax lagula eegtay meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalladda Muqdisho.
Kolonyada ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen labo gaari oo nooca raaxada.
Guddoomiye ku-xigeenka Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cali Xasan Cali, ayaa sheegay in aanu jirin...


















