Xaflad Casho sharaf lagu soo gunaanadayey Kalfadhigii 1’aad ee Aqalka Sare Soomaaliya oo Caawa Ka dhacdey Muqdisho.

0
564

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,laguna soo xirayey Kalfadhigii 1’aad ee xildhibaanada Aqalka sare ayaa caawa ka dhacdeyDhismaha Aqalka sare ee soomaaliya degmada Shibis ee gobolkan Banaadir.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Maxamed C/llaahi Farmaajo,Gudoonka labada golle,RW Xasan Cali KHayre,rw kugeenka xukuumadda,Xubnaha labada Gole Wasiirro,Gudoomiyaha ahna Duqa magaalada Muqdisho,Axzaabta Siyaasada Dalka,Safiiro,Fannaaniin saxaafadda iyo Marti sharaf Munaasabadda lagu casumey,iyadoo goobta ay ka Hadleen madaxda qaranka iyo guddoonka labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

Ugu danbeyntiina waxaa laga sheekeeyey sida ay tahey shaqada labada Aqal iyo waxa qaranku uga fadhiyo iyadoo la sheegey in labada aqal Barlamaanka iyo Aqalka Sare go’aansaddeen isku duubni iyo wada shaqeyn jjoogto ah,waxeyna xafladdu kusoo dhamaatey jawi hagaagsan.

warsom2011@gmail.com