Thursday, September 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kullmay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz. Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo Mareykanka doorka uu ku leeyahay u gurmashada dadka Abaaraha saameynta ay ku yeesheen. Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa...
Wararka naga soo gaaraya degmada Buula- burte ee gobolka Hiiraan aya sheegaya in duhurnimadii maanta dabley ku hubeysneyd bastoolado halkaa ku toogteen askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM. Askarigan ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca...
Shir uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaybtiisa Tayeeynta Hay’adaha Dowladda ayaa lagu qabtay magaalada  muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay dhammaan wasiirada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysanaya Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowlada  (Capacity Injection Program CIP) oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka. Ugu horayntii Isku duwaha...
Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Qaranka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti kale ayaa Qarax miino lagula eegtay duleedka magaalladda Muqdishu. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Sarkuusta ee duleedka Muqdishu. “Qof dhaawacmay ma jirto balse Qaraxa wuu jiraa, kolonyada waxaa la socday Guddiga Qaranka Abaaraha, maamulka...
Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay wafdiga uu horkacayo hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan. Waxaa sidoo kale kulanka joogay wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo sida uu hadalka u dhigay ilaa iyo hada aan soo gaarsiin kaalmadii loogu talagalay dadka abaarta saameysay ee ku dhaqan gobolka. ‘’Annaga gudigaas uma aragno gudi mushtamaca Soomaaliyeed u adeegaya, warbaahinta ayaan...
Wasiirka wasaarada dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadatashiyo sida uu hadalka u dhigay la xiriira dib u eegis lagu sameynayo dastuurka. Waxaa uu sheegay wadatashiyada ay ka qeybqaadan doonaan dhamaanba maamul gobolleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. ‘’Qorshaha hadda aan dajinay waa...
Maamulka Hirshabeelle ayaa amar ku bixiyay in albaabada loo laabo isbitaal gobollleedkii magaalada Jowhar, waxaana dhinaca kale xabsiga la dhigay madaxii isbitaalka Xassan Mahad Cabdi. Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysan amarka maamulka Hirshabeelle uu ku xiray isbitaalka oo ay gacanta ku heysay hay’adda Intersos...
Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday duleedka degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Buulo-Fooliyo ee duleedka Afgooye, waxaana uu ku biloowday madaafiic lagu garaacay Xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda. Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Maxamed Amiin, ayaa...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono Maraykanka, kuwaas oo dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya. Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa VOA u sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen...