Gudniinka Gabdhaha oo laga mamnuucey gudaha Minnasota WARBIXIN.

0
657

Sharci lagu adkeynayo inay dambi tahay in gabdhaha la gudo ayaa shalay laga ansixiyey golaha sharci dajinta gobolka ee Minnesota.

Sharciga mamnuucaya gudniinka oo ah sharci hore uga jiray gobalka Minnesota  ilaa iyo 1994 tii ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa ka mid ah in waalidkii lagu helo isagoo og inuu gudo gabdhiisa laga qaadan karo ilmahiisa.

Soomaalida Minnesota ayaa isla dhexmaraysa in gabdho muslimiina lagu soo gudo fircooni iyadoo loo safriyo gobolka Michigan taas ayaa keentay in shalay golaha sharci dajinta ay ka doodaan sharcigaan siina adkeenaya kii hore u mamnuucaayay gudniinka.

Madaxa ururka voice east african women  Farxiyo Khaliif ayaa shalay WARSOM

 

 

.u sheegtay in doodaan ay socotay mudo sadax cisho ah ayna soo gabagabooday shalay, waxayna Farxiyo sii raacisay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin wacyi galin xoog badan si loo badbaadiyo in ilmahooda laga qaadan.

WARSOM2011@GMAIL.COM