Xildhibaanada golaha deegaanka degmadda Saylac ayaa bedelay maayarkoodii,isla markaana maayar cusub doortay, taas oo abuurtay khilaaf u dhexeeya golaha deegaanka Saylac iyo wasaardda Arrimaha gudaha Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in sharciga loo maray xil ka qaadistaasi, waxaana waxba kama jiraan ku tilmaameen qaabka loo maray xil ka qaadista...
Naafada Soomaaliyeed oo kulan la yeelatey Gudoomiyaha Barlamaanka Federalka Soomaaliya PROF.JAWAARI.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari), ayaa la kulmay Ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka Pr Jawaari iyo Ururka Naafada ayaa ka dhacay magaalladda Muqdishu.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan, ayaa dhegeystay soo jeedinta Xubnaha Ururka, waxaana uu sheegay in laga shaqeyn doono dib-u-soo nooleynta wakaaladdii...
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha ah iclaamiyey gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.
Wasiirka...
Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, sida Ganacsato ay u sheegeen WARARKA WARSOM
Gawaarida dab demiska ee maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay deminta dabka.
Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto Qaldantay, waxaana dabka uu...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaa ay ka degeen ilaa lix diyaaradood oo Khaad sida, kuwaa oo shan ka mid ah markii hore Khaadka geyn jiray magaalada Muqdisho.
Sababta arintan ayaa lagu micneeyay go’aan adag oo ay qaateen ganacsatada Khaadka...
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyada, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.
Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay...
Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan oo ay maanta gaareen M/weynaha H/shabeelle iyo saraakiil kale.
degagaroonka diyaaradaha degmada Buula-burte madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Ka hor wafdiga madaxweynaha iyo saraakiisha ciidamada AMISOM waxaa degmada sidoo kale gaaray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka anbabaxay magaalada Beledweyne ee...
Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ay ka geysteen degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in duqeynta ay ku dhinteen.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta fuliyay ay ahaayeen kuwa dowladda Kenya.
Duqeynta ayaa si gaar ah...
Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maanta oo Khamiis ah 20 April 2017 laga qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda...
Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.
Gaari ay saarnaayeen xubno...


















