Sunday, January 26, 2025

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa sheegay inay ka baxayaan wadahadalka ay kula jiraan Somaliland, haddii aysan joojin fara-gelin iyo kala qaybin uu sheegay inay ka dhex-wadaan shacabka Khaatumo. Prof. Cali Khaliif Galeydh, ayaa sidoo kale, sheegay inuusan diyaar u ahayn in uu Somaliland ka biro, wuxuuna beeniyay warar...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray in la furo waddooyinka lagu xirtay dhagaxaanta ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin xirnaanshaha qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, isagoo ugu baaqay cid kasta oo ay waddo u xiran tahay inay furto. “Runtii...
Madaxa nabad sugida ayaa doonaya in uu xilka ka qaado 1,500 ka tirsan nabad sugida Soomaaliya maadaama falalka amni darro ay kusoo badanayaan dalka. Waxaa shalay warbaahintu heshay in Jeneraal C/Laahi Gaafow uu qorsheynaayo inuu xilka ka qaado saraakiishaa. Waxaa wararku intaa ku darayaan inuu shaaciyay mar hore in la doonayo...
Waxay xalay loo dabbaal dagay sannad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay matxafka dhaqanka Soomaalida ee Minnesota. Munaasabad gaar ah oo loogu talagalay xuskan ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo iyo bandhigyo la xidhiidha dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Waxaa kasoo qeyb galay fannaaniin caan ah oo Soomaaliyeed. Waxaa fannaaniintaa...
Wasiiru dowladaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas ayaa maanta  shaaciyay in uu is-casilay ka dib khilaaf ka dhashay deeqo uu soo dhiibay oo la musuq-maasuqay. Maxamed Cabaas oo la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in uu waraaqdiisa is-casilaad-da u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland , mana...
Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardid, ayaa waraaqihii aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjiraha Cusub ee Dowladda Federaalka Somalia ay u magacowday Dalka dalkaas, Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud. Danjiraha Soomaaliya ee Koonfurta Sudan, ayaa waxaa Munaasabaddii looga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Juba, ayaa waxaa Goob-joog...
Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay dib u dhigidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo ka digay in doorashada mar kale dib loo dhigo, iyagoo sheegay in dib u dhac walba oo Doorashooyinka ku yimaada ay doorashooyinka ku sababi karaan carqalad. Guddiga Doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa toddobaadkii hore waxay sheegeen in doorashada dib...
Gobolka Mudug ayaa sida qeybo badan oo Soomaaliya ah waxaa haatan saamayn ku yeeshay abaaro iyo biyo yari. Dadka ku dhaqan gobolka Mudug ayaa waxaa haatan wajahaya biyo iyo baad yari haysata xoolahooda gobolkaas oo ka mid ah gobolada xoolo dhaqatadu ku badan tahay. Masuul katirsan masuuliyiinta gobolkaa ayaa warbaahinta...
-Faarax  Macalin, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Kenya iyo wasiir hore oo Soomaali ah ayaa feer isku daaduumiyay. Muuqaal arinkaa ku saabsan ayaa laga arkay fiidiyow CCTV ah ayagoo waliba feer isla dhacaya Faarax Macalin iyo waziirkii hore ee isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Mursal, gudaha hoteel ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi. Waxa...
Qaramada Midoobay ayaa u Magacawday ergay gaar ah arrimaha qoxootiga Somalia ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, si loo hubiyo amniga qoxootiga doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan, kaddib markii hay’adda HRW ay Kenya ku eedeysay inay si khasab ah qoxootiga ugu celinayso Somalia si ay u...