Askerigii hore uu u toogtey Taliyihii Nabadsugida G/sh/dhexe oo Maanta maxkamada CQS toogasho ku fulisey.

0
580

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeyay in uu dilay Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Ninka Maxkamadda ay maanta toogatay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamuud.

Eedeysanaha ayaa lagu toogtay Iskool buluusiya, waxaana goob-joog ka ahaa Saraakiisha ugu sareysa ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa 21-kii bishii June ee sanadkii hore waxaa lagu dilay Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa horay Maxkamadda ugu gacangeliyay Yuusuf Xuseen Maxamuud, oo ahaa edeysanaha dilay Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.
warsom2011@gmail.com