Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay inuu maanta geeriyooday Horjoogihii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Horjoogahaan oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Rooble Nuunuule ayaa u dhintay dhaawac culus oo la sheegay inuu Shalay kasoo gaaray howlgal ciidanka dowladda iyo...
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin xubnaha ugu badan ee Mucaaradka dowladda Fedaraalka ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay walaac xooggan kaga muujinayaan hannaanka loo marayo soo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Qoraalka kasoo baxay Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in habka loo maraayo soo xulista guddigan...
Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir Macalim Mahdi ayaa sheegay in uu ka doonayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa daafaha Degmooyinka ah inay xog buuxda ka keenaan kuwa hoobiyeyaasha kasoo tuuro Degmooyinkaasi.
Taliyaha ayaa u balan qaaday cidii soo sheegta maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay wadahadalada uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celiyay inuu diyaar u yahay inuu wadahadalo la yeesho hoggaamiyaasha kala duwan ee heer...
Ciidamada amniga Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku xiray dhalinyaro hormuud u ahaa abaabulka mudaharaad looga soo horjeedo wax qabad la’aanta maamulka Puntland, iyo xayiraad saaran mashaariic horumarineed oo dowladda Federaalka ah ugu talo gashay gobolka Mudug.
Dhallinyaradan ayaa la xiray xilli ay ku sugnaayeen garoonka cayaaraha ee Cawaale, halkaas oo...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo maalqabeenka Elon Musk oo muddo dheer saaxiib siyaasadeed ahaa, ayaa dagaal adag ka dhex qarxay. Dagaalkooda ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo mid shaqsiyeed oo si xawli ah u sii kordhaya, taasoo burburisay xidhiidhkoodii hore.
Elon Musk wuxuu ahaa taageere weyn oo Trump ah...
Mamnuucidda laga Mamnuucay Muwaadiniin 12 Dal in ay Mareykanka u Safraan oo Soomaaliya ka Jawaabtay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay go’aanka dowladda Maraykanka ee lagu mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u safraan dalkaas, iyadoo muujisay rabitaankeeda ah in arrintan si diblomaasiyad leh loo xalliyo.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Danjire Daahir Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn waxa uu u dhaliilay Hannaanka loo maareeyey Gogosha Wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay 1-dii bishan Juun, cidda lagu martiqaaday iyo ajandaha guud ee la tilmaamay.
Farmaajo waxa uu sheegay in hanaanka uu hadda wax kuwado Madaxweynaha...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay talaabada ciidanka Burundi uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana kula wareegeen Al-shabaab.
Wasiirka ayaa si adag u dhaliilay talaabada ciidanka Burundi Isniintii lasoo dhaafay uga soo baxeen deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha...
Ku dhawaad laba Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid aduunka oo dhan ayaa maanta isugu tagay Buurta Carafo si ay halkaas ugu gutaan mid ka mid tiirarka ugu waa weyn Xajka.
Xujaayda ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dhaqaaqday deegaanka Mina oo 10 KM u jira Buurta Carafo...


















