Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka kaas oo muhiim u ah xoojinta amniga, madaxbannaanida, iyo nidaamka isgaarsiinta...
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in Markabka Oruc Reis ee sahminta shidaal kawaday biyaha Soomaaliya uu soo gabagabeeyay howlgalkii uu u joogay Soomaaliya.
War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Tamarta Turkiga ayaa shaaca looga qaaday in markabka Oruc Reis uu sameeyay sahan 3D...
Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar ama kulamo siyaasadeed oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan dowladda, iyadoo si gaar ah digniin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan ka tirsanayn xisbiyada siyaasadeed ee ka diiwaan gashan Puntland.
Go’aankan ayaa kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal,...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi iyadoona la magacaabay kuwa cusub oo bedalaya.
Duqa Muqdisho Muungaab ayaa u magacaabay Cumar Meeyre Mocoow, Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmadaasi laga qaaday Maxamuud...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Changsha ee xarunta gobolka Hunan ee dalka Shiinaha waxaana uu ku biiraya wafuuda ka socota dalalka Afrika oo ay ka qeyb galayaan shirweyne ballaaran oo looga hadlayo iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Wasiirka ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya Bandhigga Dhaqaalaha iyo...
Dowladda UK ayaa xoojinaysa iskaashiga difaaceed ee ay la leedahay waddamada Kenya, Soomaaliya, iyo Nigeria, taas oo qayb ka ah istaraatijiyad cusub oo xoogga lagu saarayo ammaanka Afrika.
Iskaashigan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ku saabsan Dib-u-eegista Difaaca (Strategic Defence Review – SDR) oo ay daabacday dowladda Ra’iisul Wasaare...
Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay intaan la gaarin 15ka June ee la doonayo inuu dhaco Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in la dhiso guddiyo farsamo oo ka ka socda dhinacyada ay gogosha quseeyso.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ku...
Siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe kaga dhawaaqay Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo u doortay guddoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre.
Golahan ayaa la sheegay inay ujeeddadiisu tahay, wax ka qabashada xaaladaha adag ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka taagan Puntland. Waxay...
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka Turkiga Prof. Dr. Ali Erbasha ayaa ka dalbaday in Wasaaradiisa laga taageero dhismaha Sanduuqa Zakada.
Wasiir Roobow waxa uu u sheegay Prof. Dr. Ali Erbash in wasaaradiisa ay...
Nin askari ah ayaa Axaddii xaafadda Faluuja ee magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay, isaga oo sidoo kale dhaawac culus u geystay gabadh kale oo ay dumaashi yihiin.
Askariga dilka geystay, oo aan magaciisa warbaahinta lala wadaagin, ayaa rasaas ku furay qoyskiisa, isaga oo dilay xaaskiisii iyo...


















