Waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo socday mudo afar maalmood ah.
Golaha wadatashiga qaran ayaa goordhaw oo Maanta ah soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Xoghayaha guud wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Soomaaliya, si looga hortago xagjirnimada rabshadaha wata. Wuxuu ballan qaaday inuu...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay sadax ka mid ah Al-shabaab oo la sheegay iney ka dambeeyeen fulinta iyo fududeynta qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.
Sadaxda nin ee toogashada saakay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Nuur Ibraahin Nuur Wayne,...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inay dowladdu lacag dhan hal million oo dollar ugu deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe.
Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka shaaciyay kulan degdeg ah oo ay golaha Wasiirraddu isugu yimaadeen oo looga hadlayey gurmadka dadkii...
Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xildhiban Cabdiraxman M. Xuseen (Odowaa), Xildhiban Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar, ayaa loo dhaariyey xubinimada Pan-African Parliament.
Xildhibaannadan ayaa Soomaaliya ku metelidoona barlamaanka Pan-Africa 4-ta sano ee soo socota.
Kalfadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Pan Afrika (PAP) ayaa...
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyay Qaraxyo culus oo Maanta ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxyada Maanta dhacay, isagoona sheegay in u jeedka weerarka uu ahaa beegsiga xarunta Wasaaradda ...
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo aad u waaweyn oo daqiiqado kooban ay u dhaxeeyeen, kuwaas oo lasoo sheegayo in lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ee ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u culus ayaa juggooda laga maqlay...
Shirka wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka socday muddo shan cishe ah ayaa lagasoo saaray fadwo lagu taageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Qodobka ugu horreeya ee fadwadan ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Alshabaab iyo Daacish, islamarkaana waxaa...
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay wadamada Carabta in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymaha lagu leeyahay, isagoona carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dhowr ah oo gaaray heerkii masiibo, gaar ahaan abaaraha iyo cunno yarida. iyo sidoo kale dagaalka ay hadda wadaan...
Xaalad kala qeybsanaaneed ayaa soo wajahday ururka Al Shabaab, gaar ahaan hogaamiyaha Ururkaasi Axmed Diiriye Cali. (Abuu Cubeyda), iyo garabka uu hogaamiyo Mahad Karatee, madaxa amniyaatka oo ah hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka ururka Alshabaaab
Warbixin lagu daabacay bogga akhbaralaan ayaa lagu sheegay, in Mahad Karatee uu marba marka ka...


















