Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii Maanta ku dhexmaray deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada ciidanka dib u xureynta deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Al-shabaab...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Somaliland aad uga xunyihiin, qarixii dhawaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in qaraxa dad shicib ah oo masaakiin ah lagu laayey, isla markaana ay tahay arrin argagax iyo naxdin leh, qof walba oo bini'aadam...
Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ugu tunka wayn ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumada usoo jeediyay in ay xal siyaasi ah keento 13 November kahor.
Musharaxa oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo xisbiga katirsan, oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay...
Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa lagu toogtay goob bannaanbax maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xisbigiisa, kaasi oo sheegay in dhacdadaasi ay ahayd isku day dil.
Xabbad ayaa Imran Khan kaga dhacday cagtiisa ka dib markii nin hubaysan oo aan la aqoonsan uu...
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay xorreeyeen deegaanada Xawaar Xuseen iyo Qurac dheere, oo wax ka yar 20km u jira degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeeladda dhexe.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Gen. Cabdullaahi Caanood ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in deegannadan ay ahaayeen...
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa joojisay qaadashada warqadda caddeynta baaritaan Caabuqa COVID-19, taasoo laga qaadi jiray cid kasta oo ka dhoofaysa garoomada diyaaradaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadka usoo safraya Soomaaliya aan looga baahnayn in ay la yimaadaan warqadda caddeynta baaritaanka caabuqa COVID-19 (PCR...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay weerar dhawaan ciidanka Macawiisleeyda ay ka geysteen guri ku yaala deegaanka Abooreey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay, laguna dhaawacay wiil iyo walaalkiis oo uu dhalay sarkaal ka tirsan...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab.
Labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta...
Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa heshiis nabadeed ku kala saxiixday dalka Koonfur Afrika, kaddib wada hadallo muddo socday oo u dhaxeeyay labada dhinac, taas oo ay garwadeen ka ahaayeen Midowga Afrika.
Haddaba heshiiskan ay gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF oo ka koobnaa ilaa 12 qodob, waxaa kamid ahaa qodobada...
Mareykanka ayaa soo saaray cunaqabateyn ka dhan ah ururka Daacish ee Soomaaliya, isagoo magacaabay xubno ka tirsan kooxda Daacish iyo shabakad lagu eedeeyay inay ku lug leedahay hubka gacanta u gala kooxaha argagixisada.
Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa qaadday tallaabadii ugu horeysay ee ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya, iyadoo cunaqabateyn...


















