Golaha wadatashiga iyo waxgaradka Puntland oo ah gole ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahannada ayaa ka digay waxay ugu yeereen xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalan karta muddo kororsiga madaxweyne Deni.
Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku baaqeen in doorashada waqtigeedii aan laga dib dhigin,...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inay dowladdu lacag dhan hal million oo dollar ugu deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe.
Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka shaaciyay kulan degdeg ah oo ay golaha Wasiirraddu isugu yimaadeen oo looga hadlayey gurmadka dadkii...
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, kaddib markii ay qirteen inay iyagu...
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Al-Shabaa ku Aaseen wadooyinka, sida uu Idaacadda codka Ciidamadda qalabka sida u...
Waxaa Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 086 oo deegaan doorashadiisu u aheyd magaalada Baledweyne, hayeshee guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ay sheegeen in si ku meel gaar ah loogu wareejiyay Muqdisho.
Doorashada kursigaan ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax...
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo qaar katirsan wasiiradda iyo xildhibaannada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo ku shirsanaa Muqdisho ay iska indho tireen xaaladda magaalada Laascaanood.
“Waan ka xunnahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madasha...
Madaxa ciidamada TPLF Janaral Taddese Warade ayaa sheegay in boqolkiiba 65 ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka, sida ku caddayd heshiiskii TPLF iyo dowladda Itoobiya ku dhex maray Koonfur Afrika.
Inkastoo Janaraalku uusan xusin tirada rasmiga ah ee ciidamadooda ee baneeyay furimaha dagaalka, haddana wuxuu xusay in...
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.
Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda...
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku qabtay daawooyin aad u badan oo kaar jebiyayaal ah oo ay ku jiraan Pethidine iyo Cirbadda Oxytocin ee loo isticmaalo xilliga foosha dumarka.
Afhayeenka ciidanka Booliska Saddiiq Doodishe ayaa sheegay in ay dawooyinkan yihiin kuwo si khaldan maalin walba...
Dad isku qoys ah oo ka koobnaa illaa shan ruux ayaa xalay dil wadareed loogu geystay deegaan hoos yimaada degmada War Sheikh ee gobolka Shabeellada dhexe arrima la xariiro aanooyin qabiil.
Qoyskan oo dil wadareedka loogu geystay tuulada Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa waxay ka koobnaayeen shan ruux oo lagu...

















