Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Al-Shabaa ku Aaseen wadooyinka, sida uu Idaacadda codka Ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyay Taliyaha Ururka 4-aad, guutada 16-aad Kumaandooska DANAB Laba-xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali ” Madaale-qaran” oo howlgalka hogaaminayay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkan uu kamid yahey howlgalada lagu cirib tirayo Al-Shabaab iyo Dadka Amniga khal khalka ku Haya ee kasoconaya gobalada dalka Dham.