Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay su’aal ka taagan tahay sababta ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku bannaanbaxooda ugu asteeyeen isla maalintii ay ka dhacaysay doorashada qof iyo cod ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, hadal uu kaga dhawaajiyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mucaaradka ugu baaqay inay keenaan aragtiyo siyaasadeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu maareyn karo xaaladda dalka, halkii ay, sida uu yiri, “dareenka shacabka ka ganacsan lahaayeen.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradku fashiliyeen gogoshii wadatashiga ahayd ee dowladda u fidisay siyaasiyiinta si looga wada hadlo khilaafaadka jira iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo xusay in bannaanbaxa maanta lagu soo beegay maalintii loo asteeyay wadahadalka ayna uga dan lahaayeen sidii wada hadalada loo Fashin lahaa iyagoo ka Doorbiday Waddooyin kale.
“Bannaanbax waa la qaban karaa, codkana waa la cabbiri karaa, waana xuquuq dastuuri ah, balse looma baahna bannaanbax ay ku soo dhuuntaan bahalo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo isku haya hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.













