Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa baneeyay Gabi-ahaanba Xuduudka Soomaaliya iyo degaanka Somaalida oo muddo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada liyuu Boolis oo ku dhawaad Sidee sano ku sugnaa Xuduudka dowlad degaanka Soomaalida uu la wadaago Goboka Bakool, waxaana Ciidamada dib...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan Guryaha Bangga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi, kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska.
Maxkamadda ayaa Booliska gobolka Banaadir ku amartay in dadka laga saaro dhulkaasi oo dan guud, kuna yaalla xaafadda Buulo-xuubey ee...
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay shirka magaalada Baydhabo ay 15-ka bishan ku yeelanayaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo Koofur Galbeed ay diyaar garowgii u danbeeyay ugu jirto marti gelinta shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aadaya.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo raja wanaagsan ka muijiyay...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay ku dhawaad 100 askari.
Askartan ayaa tababar kusoo qaadan doona dalka Jabuuti, ayada oo taliska Booliska uu maanta garoonka kusii sagootiyay ciidamadaan
Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 100 askari, kuwaasi oo la sheegay in...
Guddoomiyihii hore ee Doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax oo ka sharci-darro ku tilmaamay asteynta maalinta doorashada qof iyo cod eemadaxweyne Deni:
Deni markii uu boobayay kuraastii Baarlamaanka Federaalka waxaan sheegay inuu kasoo qaadidoono hungo iyo qoomamo, maanta oo uu markale u soo tafaxaytay boob kale wuxuu ku dambayndoonaa markale hungo iyo...
Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursiga Hop-176 ee Deegaan Doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, kaas oo kamid ahaa kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka.
Kursiga Hop#176 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay kana geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow, hayeeshee ugu dambeyn...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi.
saciid Deni oo wareegto soo saaray ayaa asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo laga dhigay maalin...
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaamac Xasan Khaliif.
Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo...
DAAWO : M/weyne Xasan Sheekh oo La Kulmey Xildhibaanada B/xawaadle iyo Taliye Xijaar kusoo Noqoshadiisa Muqdisho.
https://youtu.be/gr3Kt7aWfws
Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi.
Hoggaanka Xisbiga ayaa maanta oo u dambeysay xisbiga ka caydhiyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan guddiga fulinta,...