Wednesday, February 19, 2025
Home Dhacdoyinka Caalamka Madaxtooyada Somalia oo war kasoo saartay shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha...

Madaxtooyada Somalia oo war kasoo saartay shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.

0
414
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay shirka magaalada Baydhabo ay 15-ka bishan ku yeelanayaan madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo Koofur Galbeed ay diyaar garowgii u danbeeyay ugu jirto marti gelinta shirkan oo xili xasaasi ah kusoo aadaya.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo raja wanaagsan ka muijiyay inuu shirkaasi mira dhal noqdo aya dhinaca kale ka hadlay ajendaha ugu culus ee horyaala madaxda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada

“Mar walba oo madaxdu shirkan isugu yimaadaan, waxay ka wada hadlaan xaaladda dalka uu markaas ku sugan yahay, oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale shaaciyay inay madaxdu heshiis kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka oo doodo ay ka soo laabteen kadib markii suuqa ay soo gashay qorshaha mudo kororsi ee dowladda